|

Ogaysiis Kulanka Sabtida, August 8, 2015, London ee warbixinta dhismaha Wadda Cad (Hargeisa-Aware).

Waxaa la ogaysiinayaa dhammaan Qurbajoogta Beesha Ciidagale ee ka soo kala jeeda Somaliland iyo Ismaamulka DDSI in ay  ka soo qayb galaan  kulan laga war bixin doono  qorshaha  iyo tabaabushaha wejiga seddexaad ee dhismaha waddada Cad ee  Hargeysa-Aware iyo horumarka degaanka Beesha Ciidagale ee labadda dhinace ee Xuduuda (Somaliland iyo Eithiopia),

Kulankaas waxaa inoogu marti ah kana hadli doona Mohamoud Muse Gooni oo ah Xubin ka  tirsan gudiyada Farsamadda iyo dhaqaalaha Wadada Cad ee Hargaysa-Salaxley-Ina Guuxa, oo safar shaqo ku jooga UK iyo xubno ka tirsan qurbajoogta Beesha ee DDSI ee London.

Haddaba waxaa lagu  wergelinayaa dhamaan ururadda horumarinta ee ka soo jeeda degaanadaas kuna sugan London ee ay ka mid yihiin  Gaaroodi, hablaha Gaaroodi, Hal-door, Gacan Qabad iyo qurbojooogta kale ee ka soo jeedda dhinaca Somaliland iyo dhinaca DDSI ee Ciidagale in  ay ka soo qayb galaan kulankaas muhiinka ah ee lagaga  warbixin doono dhismaha Wadada Cad ee Hargeisa ilaa Aware halkay marayso iyo waxa dhiman guud ahaan iyo weliba warar muhiim ah oo quseeya horumarinta degaanka Beesha ee labada dhinac ee  Xuduuda.

Kulankani  waxaa  uu gogol fiican u yahay ururadda degaanku in ay ku soo bandhigaan oo ay ay warbixin kooban ka bixiyaan wax qabad kooda iyo ku tala galkooda ku aadan horumarinta degaanka dhinaca magaalada hargeysa iyo degaanadda miyigaba.

Shirku wuxuu dhici doona haddii Eebe idmo  maalinta Sabtida, August 8, 2015

Goobta Kulanku waa Gainsborough Tower Resource Centre, Academy Gardens, Northolt, UB5 5PF (Opposite the PCWorld in Northolt). Waxaa uu shirku bilaabmi doona 4 galibnimo ilaa 8 Galabnimo.

Waxaaa lagu wargelinayaa ka soo  qayb galayaasha kulan in aanay goobta ka dhawayn  wax meherada ahi, sidaa daraadeed  waa in qof walib hore u soo qaato  wixii   u baahan yahay  inta kulanku socdo.

Kulankan waa kulan si cilmiyeysan loogu soo bandhigi doona qorsha wejiga seddexaad ee wadda cad lagana  war bixin doon wejiga dhamaystirka wada cad ee ka bilaabmidoona Ina guuxaa ilaa Aware oo ay fulindoonto DDSI sida qorshu uu yahay.

 

Comments are closed