|

Khilaafkii Jaamacadda Hargeysa Oo Lasoo Afmeeray Iyo Shaqadii Oo Dib u Bilaabmi Doonta Maalinta Sabtida

Hargeysa:Aug,06,2015(SDN/QJ)-Khilaafkii sababay in gebi ahaanba Albaabada loo laabo jaamacadda Hargeysa, ayaa lasoo afjaray, sida uu warbaahinta u sheegay.

hunQoddobada xalka lagaga dhigay Tirtiridda Jaamacadda Hargeysa, ayaa waxa lagu sheegay in Gebi ahaanba ay Jaamacadda Ka tagaan Guddoomiyihii iyo Ku-xigeenkiisii, sidoo kalena ay Jaamacadda ma maqnaadaan Laba kamid ahaa Hormoodka kulliyadaha Jaamacdda oo beryahanba shaqadooda buuq badani  ka taagnaa.

Sidoo kale waxa la isla gartay in Guddoomiyaha Cusub ee Jaamacadda Hargeysa uu noqdo Mahdi Cismaan Buuri, isagoo si ku-meel gaadh ah xilkaas usii hayn doono, isla-markaana Amniga Jaamacadda Hargeysa la adkeeyo.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Sacad Cali Shire oo Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Waxa aanu Maansoor kula kulantay guddidii Jaamacada, guddidu markii ay shirar badan ka gashay xaalada jaamacada, iyada oo xal raadinaysa waxa ay soo saartay lix qodob, isla markaana la tashanaysa Hay’addaha amni ee arintani quseeyso, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, lixdaas qodobna waxa weeye

1-In Jaamacada la furo Sabtida, 2-In amnigeeda la sugo, 3-Dadkii fal-damiyeedka ka galay Jaamacada in sharciga la mariyo, 4-In guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka uu guddidu ka aqbalay istiqaaladii ay dhibeen, 5-In labadii macalin ee Jaamacadu hore u eriday ee sharciga ay marisay inay Jaamacada sidaas kaga maqnaadan oo aanay ku soo noqon, 6-In maamule ku meel-gaadh ah uu noqdo Mahdi Cabdilaahi Cismaan Buuri oo Wasiir hore ahaan jiray”.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed