|

Hargeysa: Gabadh U Ololaysa Guurka Dadka Isku Jinsiga Ah Oo Lagu Marti Qaaday Carwada Buugaagta Ee Hargeysa.

11855442_922185781153246_278561841_nHargeysa,6Aug,2015(QJ/SDN)-Carwada buugaagta ee Hargeysa oo sanadkiiba halmar lagu qabto magaalaa Hargeysa laguna soo bandhigi jiray buugaag iyo dhaqan, ayaa sanadkan lagu arkay barnaamij aad uga cad cad oo lagu magacaabo ‘’Women Of World’’ WOW.

Taas oo maaliyad badan ku taageertay barnaamijka buugaagta ee sanadkan.

WOW waa barnaamij ay asaasatay Jude Kulley, Jude marka laga tago barnaamijkan waa agaasimaha Xarunta fanka ee Southbank oo ku taala dalka ingiriiska, kaas oo u dhaqdhaqaaqa guurka dadka isku jinsiga ah.

Xogo rasmiya oo aanu helayno  ayaa soo bandhigaya in jude tahay gabadh u ololaysa aadna u taageerta guurka loo yaqaan ‘’Gay Marraige’’ ama liwaadka.

Maqaal lagu baahiyay warbaahinta The Standard ee kasoo baxa dalka ingiriiska ayaa warbixin uu ku qoray ay ka mid ahayd ‘’ Qof weliba wax buu ka baran karaa bulshada liwaadka, ‘’Gay Society’’kuwaas op ballaadhiyay fikirkooda galmada .. ayay tidhi Jude.

Jude ayaa ah gabadh qalbigeeda uu aad ugu weynyahay guurka lammaanaha isku jinsiga ah, waxay sheegtay inay u hanweyntahay inanteeda 27jirka ah Caroline oo gabayaa ahi inay guursan doonto gabadh kale dhawaan. ‘’ intaas waxay ku dartay jariiradu ‘’ Kelly waxay ka furaysaa xarunteeda southbanka goob ay isku aroostaan raga raga guursada, iyo dumarka dumarka guursadda. Si ay u xoojiso taageeridooda.

mm

Carwada buugaagta ee Hargeysa ayaa aad loogu weyneeyay sannadkan iyadoo kulmo kula qaadatay hablaha da’yarta ah ee reer Somaliland khudbadna u jeedisay. Tan oo ahayd in la weyneeyo jude.iyadoo aanay cid badani aqoon u lahayn hawlaha ay u shaqayso.

Waxa kale oo ay kulamo la qaadatay qaar ka mid ah ururada bulshada si ay u xoojiso xidhiidhkeeda. Taas oo saameyn ku yeelan karta hawlaha ururada looga bartay.

Halkan ka akhriso Maqaalka lagu daabacay The Standard:

http://www.standard.co.uk/goingout/attractions/jude-kelly-you-cant-go-on-pretending-everything-is-equal-when-you-secretly-know-it-isnt-9169929.html

Isku soo wada duuboo arrintan ayaa fadeexad weyn ku noqon doonta Carwada buugaagta ee Hargeysa (HIBF), oo awal hore looga bartay soo bandhigida buugaagta iyo dhaqanka.

 QJ/SDN: Hargeysa

Comments are closed