|

Boqor Raabi Oo Ay Weheliyaan Qurbo Joog Iyo Masuuliyiinta Ururka Samafalka Ee Hayaan Oo Kormeer Ku Soo Maray Magaalada Balli Mataan Iyo Deegaanno Kale + Daawo Sawiro

Sallaxley,6Aug,2015(QJ/SDN)-Boqor Raabi Yuusuf C/laahi Oo Ay wehelinayaa Masuuliyiinta Ururka Samafalka Ee Hayaan oo xaruntoodu tahay Dalka Canada ayaa Maantii shalay kormeer indho indhayn ah ku soo maray Magaalada Balli Mataan iyo Deegaanno kale .

DSC00941

Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd sidii loogu kuur gali lahaa Xaaladda Dhabta ah ee ay ku suganyihiin Bulshada Deegaankaasi waxaanay Masuuliyiintani si gaar ah u booqden Dugsiga Boodhinka Ah ee Balli Mataan iyagoo Halkaasi kula kulmay Arday tayadooda aqooneed aad u sarayso iyo waliba maamulka Dugsigaasi .

Waxaanay intii ay Boqorka , Masuuliyiinta Uurka Hayaan iyo Qurbo joog kale oo iyana kormeerka qeyb ka ahaa intii ay ku sugnaayeen Deegaanka Balli Mataan waxay kulamo gaar ah la qaateen Odayasha iyo wax garadka Deegaankaasi iyagoo ka waraystay sida uu yahay xaalka nololeed , Aqooneed , Caafimaad , Waxbarasho ee ay ku suganyihin Bulshada Degaankani .

DSC00943

Boqor Raabi Yuusuf C/laahi oo hadlay ayaa safarkani ku tilmaamay mid ay ku soo ogaanayeen xaaladda dhabta ah ee ay ku noolyihin bulshada Deegaankaasi .

Waxanu boqorku soo bandhigay Baahiyo tiro badan oo dadka Deegaankaasi sheegteen waxaanu fariin dheer u diray Xukuumadda iyo Dadka Deegaankaasi ka soo jeeda .

Odayaasha iyo Waxgaradka Deegaankaasi oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday Baahiyaha ka jira Deegaankaasi iyagoo sheegay in culaysyo badani saaranyahay Deegaankaasi .

Waxaanay si gaar ah carrabka ugu dhufteen in ay u baahanyihin , Cusbitaal , Saldhig , in la balaadhiyo Dugsiga Boodhinka ah ee Balli Mataan oo ay sheegeen in Dadkii iyo agabkii meesha yaallay kala bateen iyo waliba baahiyo badan oo kale .

Waxaa xusid mudan in Dhaman waxgaradkii iyo Odayaashi halkaasi ka hadlay ay iska daba mareen isla markaana sheegeen in ay ka arradanyihiin horumarkaa iyo waxqabadka ay xukuumadda Siilaanyo Sheegto .

Ugu danbeen Masuuliyiinta ururka Hayaan Iyo Boqor Raabi ayaa ballan qaaday in wax badan ka qaban Doontaan Baahiyaha ka jiraa Dugsiga Boodhinka ah ee Balli Mataan sidoo kalena ay dhisi Doonaan Saldhig Police .

 

Comments are closed