|

Madaxa Dalada Mucaaridka Jabuuti:Doorasho ka dhaceysa Jabuuti 2016 ka ma jirto ilaa la hirgeliyo heshiiskii mucaaridka iyo dawlada

Ottawa Aug 06,2015(SDN/QJ)-Madaxa dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN Axmed Yusuf ayaa wareysi dheer oo uu siiyay wakaalada wararka ee AFP waxa uu uga waramay mawqifka mucaaridka ee doorashooyin ka dhaca dalka Jabuuti.

“Ma jiri doonan wax doorasho ah oo Jabuuti ka dhaca 2016-ka inta la abuurayo Guddi Doorasho oo madax banana” sidaa waxa sheegay Md Axmed Yusuf.

Heshiiskii Xukuumada Jabuuti iyo dalada mucaaridka USN ayaa waxa ugu muhiimsanaa in la sameeyo Guddi Doorasho oo madax banana, in saxaafada loo ogolaado mucaaridka iyo in la sii daayo maxaabiista siyaasadeed.

Axmed Yusuf waxa uu AFP u sheegay in heshiisyadii aan la fulin isla markaana xaalada siyaasadeed ee Jabuuti ay cakiran tahay.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa qoraal uu dhawaan soo saaray waxa uu uga baaqay mucaaridka in ay wadahadaladii dib ugu soo noqdaan.

“Waxa uu (Geelle) ku baaqay wadahadal,waxase hadalkaa loogu talo galay beesha Caalamka, hadalkaana waxa uu soo baxay kolkii uu wasiirka Gaashaadhiga Farace cadaadis saaray xukuumada Jabuuti”ayuu yiri Madaxa Dalada Mucaaridka Jabuuti Axmed Yusuf.

Axmed Yusuf ayaa sidoo kale ugu baaqay Beesha Caalamka in ay Jabuuti ka badbaadiso khalalaase burbur sababa.

“Hadii aan heshiiskii mucaaridka iyo xukuumada Jabuuti la dhaqan gelin waa ay adkaan doontaa in kacdoonka la joojiyo” ayuu yiri Axmed Yusuf.

Safiirka Canada ee dalada Mucaaridka Jabuuti Md Xuseen Cabdiraxmaan cadhoole oo aanu wax ka weydiinay hadalka ka soo yeeray Madaxa USN Axmed Yusuf ayaa inoo sheegay in qurbejooga Jabuuti ay diyaar u yihiin cadaadiska oo la kordhiyo.

“Qurbejooga reer Jabuuti waxa ay laba laabidoonaan culeyska xukuumada Jabuuti si loo dhaqangeliyo heshiisyadii mucaaridku la galeen xukuumada Jabuuti, waana soo dhaweyneynaa dhawaaqa Axmed Yusuf”ayuu yiri Md Xuseen Cabdiraxmaan Cadhoole.

SDN/QJ-Ottawa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed