|

“Sacad-muuse-ku-xigeen iyo Madaxweyne-ku-xigeen is huwan baan noqonayaa marka Odaygu haakah yidhaahdo ee kasoo Go’o. waxana aan Ku-xigeen u ahay Saddexda Nin Ee Reer Hargeysa…”Xildh. Indho-indho

Hargeysa:Aug,06,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan(Indho-indho)oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shaaciyey inuu yahay musharrax u taagan jagada madaxweyne-ku-xigeen ee  Xisbiga Kulmiye, waxana uu sheegay inuu iska soo dhex dharraxi doono shirka Golaha dhexe ee Xisbiga.

indho indhoCabdiqaadir Indho-indho oo haatan ah afhayeenka Golaha Guurtida oo habeenkii xalay Wargeyska Hubaal Khadka Telefoonka kula xidhiidhay, ayaa  sheegay inay musharraxnimadiisu ku xidhan tahay xilliga madaxweyne Siilaanyo ka dego Kursiga Hoggaaminta Dalka, isla-markaana uu ku-xigeen unoqon doono Musharraxiinta Jagada Madaxweyne-nimo ee Xisbiga Kulmiye oo haatan ah qaar kasoo jeeda Gobolka Maroodi-jeex.“Saddexdaas nin  ee Reer Hargeysa ee Sacad muuse hadba kii soo baxa ayaan ku xigayaa oo sunnaha Dawladnimada haddii uu Galbeed midi noqdo waa in Galbeed la geeyaa, madaxweyneyaashii horena marka Daahir Rayaale laga reebo wada Bari bay ahaayeen.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho.

Xildhibaanka oo Hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu ku rajo weynahay inuu heli doono codad tiro badan marka la gaadho Hankiisa Musharraxnimada Madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Kulmiye, waxana uu yidhi,“Halkaasi waa bannaan tahay, Sacad-muuse-ku-xigeen iyo Madaxweyne-ku-xigeen is huwan baan noqonayaa marka Odaygu haakah yidhaahdo ee kasoo Go’o, waxana aan ku rajo weynahay inaan cod qayru caadi ah kusoo bixi doono.”

Waxa uu sheegay inuu Afhayeen-nimada Golaha Guurtida oo uu xilligan isagu hayo wareejin doono Marka Toddobaadka Soo Socda Goluhu kasoo noqdo fasaxa si uu ugu madax bannaanaado Hawlihiisa kale,“Guurtidana afhayeennimadooda marka ay fasaxa ka soo noqdaan ayaan udhiibayaa, waayo maba haleelayo markii horena dhex baan ahaa, laakiin imika arrimahaygaan ku mashquulayaa, iyagana  inaan Hawshooda dib ugu celiyo ayaan rajaynaya.” Ayuu yidhi Indho-indho.

Xildhibaan Cabdiqaadir waxa uu farriin u diray Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali-waraabe oo dhawaan dhaliilay sharciyadda Afhayeen-nimadiisa, waxana uu yidhi,

“Faysal Cali-waraabe waxan leeyahay sharciga Guurtida inaad barato, ayaa fiican inta aadan hadlin, Awoodaha Shirguddoonkoodana waa kamid  inuu Afhayeen iyo Guddiyo kala duwanba magacaabo. Aniguna sidisii siyaasadda kuma aan saaqidini waan ku dallacay.”

Sidoo kale waxa uu ka Hadlay Go’aanka Midowga yurub kaga baxayaan Somaliland oo siyaasiinta qaarkood unisbeeyeen Go’aankii Guurtidu muddada ugu kordhisay Xukuumadda, waxana uu tilmaamay inaanay arrimahaasi ahayn qaar sax ah,

“Midawga Yurub shan Dawladood oo kamid ah ayaa wax bixiya, waxana ay kusii dhex jiraan niman aan lacagba haysanin oo 28-dawladood ah, lacagtii lasoo marin jireyna si toos ah baa la inoogu keenay oo Xafiiska SDF-baa lasoo mariyey, Muddo-kordhintayadiina kama ay guurine Farriinta Qaldan ee Faysal Dirayana ka joojiyo.” Ayuu yidhi Cabdiqaadir Indho-indho.

Hanka Musharraxnimo ee Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho, ayaa sabab u noqon kara in Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada Barigu kusoo dhiirradaan inay hank an oo kale ah yeeshaan, isla-markaana ay gacan ka geystaan sidii doorashooyinku uga dhici lahaayeen Goobaha aanay Hore uga dhici jirin.

Xigasho:Wargeyska Hubaal

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed