|

Xogo Dheeri ah Oo Kasoo Baxaya Weerar Maalintii Shalay Ka Dhacay Gobolka Gedo

War-xoolo:Aug,06,2015 (SDN/QJ)-Warar dheeri ah, ayaa laga helayaa duqaymo diyaaraddo aan la aqoonsani ka geysteen Deegaanka War-xoolo oo katirsan Gobolka Gal-gaduud ee Dalka Somalia oo ay Al-shabaab Gacanta ku hayaan.

droneGuddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale oo u waramayay saxaafada ayaa xaqiijiyay in duqeyntan ay gelinkii dambe ee maalintii shalay ka dhaceen deegaano ka mid ah degmada Ceelbuur gobolka Galguduud.

Duqeyntan ayaa la sheegay in ay geysteen diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in goobaha duqeynta laga geystey ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Alshabaab.

Sidoo kale duqeyn dhinaca dhulka ah ayaa ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Ethiopia ay shalay ku garaaceen madaafiic deegaano ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

“Duqeynta waxaa lala beegsaday goobo aan ka warqabnay inay ku sugnaayeen Alshabaab isla markaana uu jiro qasaare ka dhashay balse aan si dhab ah loo sheegi karin maadaama goobaha la duqeeyay ay ku sugnaayeen Alshabaab oo kaliya.”ayuu yidhi guddoomiyaha degmada Ceelbuur

Ciidamada AMISOM ayaa waday dhaqdhaqaaqyo milatari toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo dhaqdhaqaaqa ugu ballaadhan ay wadeen ciidamada Ethiopianka ah ee ku sugan gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya. Ururka Alshabaab ayaan weli ka hadlin duqeynta ugu dambeysay ee maalintii shalay ka dhacday gobolka Galguduud.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed