|

Komishanka Doorashooyinka Qaranak oo Kormeer shaqo ugu ambabaxay Gobalada Bariga Somaliland

Hargeysa Aug 05,2015(SDN/QJ)-Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa Booqasho uGu anbabaxay Gobolada Bariga Somaliland, sidaa waxa lagu sheegay warkan saxaafada loogu talo galay oo ay guddida doorashooyinka xubin ka mid ihi na soo Gaarsiisay.

“Maanta oo Salaaso ah 04/08/2015 waxa gobalada Bariga Somaliland ugu ambabaxay wafti Heer Qaran ah. Waftigaas oo uu hogaaminayo gudoomiyaha komishanka Doorashooyinka Qaranku Eng. Abdiqaadir Iimaan Warsame

Socdaalkan waxay ujeedadiisu tahay in loo kuur galo xaalada diiwaangalinta codbixiyayaasha doorashooyinka deegaamo ka tirsan gobalada Sool iyo Sanaag Bari iyo xaalada amaan ee deegaamadaas.

Waftigan heerka qaran ah oo la filayo in socdaalkoodu qaato mudo laba todobaad ah waxay ka kala socdaan:

  1. Gudida Komishanka Qaranka.
  2. Saddexda xisbi qaran “KULMIYE, UCID iyo WADANI.
  3. Wasaarada gaashaandhiga.
  4. Wasaarada arimaha gudaha.
  5. Golaha guurtida.
  6. Golaha wakiilada.

 

Allaa mahad leh

Komishaneer:  

Saciid  Cali Muuse

 

Comments are closed