|

Akhri:Shacabka Oo Si Weyn Ugu Dhegtaagaya Go’aamo Ay Gollaha Sare Ee Jaamacadda Hargaysa Ka Saarayaan Khilaafka Jaamacadda Hargaysa Iyo Doorka Xukuumaddu Ku Leedayahay

Hargeysa,5Aug,2015(QJ/SDN)-Xogo hoose oo aan wali si ramsi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in Golahha Sare ee Jaamacadda weyn ee Magaaladda Hargaysa ay wadaan qorshe lagu so oaf-jarayo Khilaafka xoogan ee ka taagan Jaamacadda,kaas oo curyaamiyay hawlihii shaqo ee Jaamacaddaasi.

Gollaha sare ee Jaamacadda,ayaa waxa la sheegayaa inay Maalmihii ugu danbeeyay ku jiraan shirar iyo Kulamo is-dabajoog ah,kuwaas oo ay badhi-taageerayaan Xubno ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,waxaa la sheegay inay suuragal-tahay in Jaamacadda laga caydhiyo Malimiin mudo dheer Jaamacadda kasoo shaqaynayay,kuwaas oo loo arkay inay Xuddun u yihiin Khilaafka Jaamacadda Hargaysa.

Ilaa hadda ma cadda waxa laga yeelo Gudoomiyaha Jaamacadda oo qaar ka tirsan Maacalimiinta iyo Shaqaalaha kale ee Jaamacaddu ku eedeeyeen inay ku tagri falay Awoodiisa Gudoomiyanimo,isaga oo Jaamacadda ka dhex abuuray Xiisadd qabyaaladeed iyo dad kala jeclaysi.

Si kastaba ha ahaateen Guud ahaanba Shacabka iyo Dadka Labeenta Umadda ah ayaa si weyn ugu dhagtaagaya halka uu biyo-dhigto Khilaafka Jaamacadda Hargaysa,kaas oo haddii aan si deg deg ah loo soo afjarin saamayn taban ku yeelanaya in ka badan 5000 oo arday oo Jaamacadda wax ka barata.

Comments are closed