|

Cusbitaalka Ceerigaabo Oo Lagu Aammini Waayey Dhaawac Dayaarad Lagula Cararay Iyo Madaarka Ceerigaabo Oo Inuu Siyaasad U Xidhan yahay caddaatay.

Ceerigaabo,5Aug,2015(QJ/SDN)-Kaddib markii saaka magaalada Ceerigaabo nin rasaas lala beegsaday kaasoo ay soo gaadheen dhaawacyo ay ugu culus tahay rasaastaas oo xagga caloosha kaga dhacday welina ku dhex jirta ayaa waxa dhaawacaas oo loola cararay cusbitaalka guud ee Ceerigaabo waxa saacado kaddib halkaas soo fadhiisatay diyaarad si ay u qaaddo ninkan dhaawaca ah Hargeysa kazoo duushay.

Diyaaraddaas oo sida la sheegay Wasiirka duulistu hawshan usoo diray,  waxayna diyaaraddaas oo soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Ceerigaabo ninkaas dhaawaca ah u qaadday dhinaca magaalada Hargeysa.

Arrintan ayaa halla kama jiraan ka dhigaysa hadal dhowaan Wasiirka Caafimaadku xilli uu cusbitaalka Ceerigaabo kormeer ku marayey Madaxweyne Siilaanyo uu wasiirku halkaas ka sheegay in cusbitaalkan Ceerigaabo ka mid yahay cusbitaallada ugu tayada sarreeya xilligan xagga adeegyada caafimaadka ee Somaliland.

Waxana taas beddelkeeda muuqata inaan cusbitaalka Ceerigaabo lagu aammini Karin dhaawacyada noocan ah, ciddii awood u weyda oo iyada dantu ku qasabto mooyee.

 

Dhinaca kale Garoonka diyaaradaha Ceerigaabo oo muddo dheer aan wax diyaarado ahi soo fadhiisan, in bandanna dhinaca xukuumadda ay dhegaha bulshadu ka maqlayeen in garoonku xun yahay oo haddii aanu dayactir helin aan wax diyaarado ahi fadhiisan karayn ayaa waxa caddaatay inuu arrin siyaasadeed u xidhan yahay maaddaama diyaaraduha oo ay ka mid tahay tan manta dhaawaca qaadday fadhiisan karayaan kana haadi karayaan,

Comments are closed