|

Muddo-kordhin Uu Madaxweyne Axmed Madoobe Doonayey Oo Baarlamaanka Maamulkiisu Kasoo Horjeesteen

Kismayo:Aug,05,2015(SDN/QJ)-Kulan ay maalintii shalay xubnaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ku yeesheen Magaalada Kismayo, ayaa si weyn loogaga dooday Codsi muddo-kordhin ah oo uu madaxweyne Axmed Madoobe usoo bandhigay, waxana ay diideen gebi ahaanba Codsigaas.

axmed madobeKulanka Baarlamaanka yeesheen ayey kaga soo horjeesteen codsi uga yimid Madaxweynaha Maamulka Jubbaland  oo Baarlamaanka ka codsaday in dib loo dhigo xiliga ay dhaceyso Doorashada Madaxtinimo ee Jubbaland oo loo asteeyay 15-ka bishan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed ayaa sheegay Baarlamaanka ay ka doodeen codsiga uga yimid Madaxweynaha, waxa uuna cadeeyay in Baarlamaanka ay kasoo horjeesteen in waqtiga doorashada dib loo dhigo , iyagoona go’aamiyay una codeeyay in doorashada ay dhacdo 15-ka bishan Agoosto.

Baarlaaanka Maamulka Jubbaland ayaa sabtidii shaaca ka qaaday in doorashada Maamulka Jubbaland ay dhaceyso 15-ka bishan, waxaana Magaalada Kismaayo hada laga dareemayaa hadal heynta doorashada dhaceysa iyo cida kusoo bixi doonta.

Dadka Siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe uu mar kale ku guuleysan doono doorashada, waxaana laga yaabaa in ay doorashada saameyso uuna midkood ama labadoodaba meesha kaga baxaan labada Madaxweyne kuxigeen ee Maamulka Jubbaland.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed