|

Dawladda Ethiopia Oo Xabsiyo 20-Sano Ka Badan Ku Ridday 18-Qof Oo Muslimiinta Dalkaas u Dhaqdhaqaaqi jirey

Addis Ababa:Aug,05,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Ethiopia, ayaa xabsiyo muddo dheer oo 7, Ilaa 22-Sanadood ah ku ridday shakhsiyaad u dhaqdhaqaaqa in dalkaasi yeesho Dawlad Islaami ah.

tucrKooxdan oo dhan 18 qof ayaa isugu jira culumo, dhalinyaro iyo hal suxufi oo qoraa ka ahaa jariirad ka waranta arrimaha muslimiinta. Eedeysanyaasha ayaa dhamaan diiday dacwooyinka dawladu ku soo oogtay.

Qabashada muslimiinta oo dhacady 2012-kii ayaa la xidhiidhay dibadbaxyo joogto ah oo lagaga cabanayey faragalin ay dawladu ku sameysay Gollaha Sare ee Muslimiinta dalka. Dadka mudahaaraday ayaa dawladau ku eedeyey in ay ku qasbeyso qaadashada mad-hab aan aad loo aqoon oo lagu magaacabo Alxabasha.

Dawlada ayaa dhowr jeer beeneysay eedeymaha loo soo jeediyey iyada oo sheegtay in uuna sharcigu u fasaxayn fargalinta arrimaha diimaha.

Xukunka muslimiinta ayaa ku soo beegmay xili wali aad loo hadal-hayo booqasho uu Barack Obama ku tagay Itoobiya oo siyaabo kala duwan loo fasiray. Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uu u boggey dadaalka Itoobiya ugu jirto cidhib-tirka saboolnimada iyo nabadeynta geeska Afrika, balse waxa uu xukuumada ku booriyey furfurnaan siyaasadeed iyo inĀ  xoriyada saxafada iyo mucaaradka la dhawro.

Ururada u dooda xuquuqda aadanaha iyo mucaaradka dalka ayaa dhaleeceyey booqashada Obama iyaga oo u arka in ay taageereyso siyaasada dawlada ee ku wajahan xakamaynta xoriyada hadalka, saxaafda iyo mucaaradka.

Maxkamad ayaa 4 qof ku riday xukun 22 sano ah, 5 qof oo kale ayaa lagu xukumay xabsi 18 sano ah, halka 5 qof lagu xukumay 15 sano. Sidoo kale, maxkamada ayaa 4 qof ku riday xabsi min 7 sano ah. Kooxdan ayaa loo cuskaday sharciga lidka argagixisada oo guux badan abuuray.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed