|

Hinaase Siyaasadeed Oo Ka Dhashay Safarkii Madaxweyne Siilaanyo Iyo Shir Doceedyo Beelaysan Oo Ay Hargeysa Ka Bilaabeen Xubno Wasiiro Ahi.

Hargeysa,5Aug,2015(QJ/SDN)-Socdaalkii sideeda cisho qaatay ee Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga uu hoggaaminyaa ku soo mareen gobolada Bariga Somaliland,ayaa waxaa ka dhashay loolan siyaasadeed oo ka dhex curtay Xukuumadda dhexdeeda iyo xisgigeeda KULMIYE waxaanu kala shaki ku kala dhex abuurmay oo biyo hoostood iska arkay siyaasiyiin ka wada tirsan Xukuumadda iyo KULMIYE oo markii hore isku xuluufo ahaa.

 

Siyaasadeed oo kala Kaambayn iyo olole Cusub ayaa dib uga istaadhmay Xisbiga kulmiye ka dib markii uu Safarkii Madaxwayne Siilaanyo ugu anbabaxay Gobolada Bari ee Dalka Somaliland safarkaasi oo u raacay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo Xisbi ahaana uu Gacanta sii qabsaday Gudoomiyihii Ururkii Doorashada Golaha Degaanka ku hadhay ee Rays Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi) sidoo kalena Safarka Madaxwaynaha ayaa waxa ku weheliyay Wasiiro Tiro badan oo ay ka Mid ahaayeen Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan,Wasiirka Warfaafinta Mudane Cukuse,Wasiirka Caafimaadka,Wasiirka Hawlaha Guud,Wasiirka Waxbarashada,Wasiirada Maaliyada iyo waliba Xubno kale oo Miisaan ku leh Xukuumada,

Hadaba Safarkani ayaa waxa ka kacay Sas iyo Hinaase Siyaaadeed oo ay ka qaadeen Xubno Markii Hore ay isku Xulafo ahaayeen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi iyo waliba Xubno kale kuwaas oo u arkay in lagaga tegay Habaaas siyaasadeed,Madaama aanay ka mid Noqon Safarkii ugu cuslaa ee ay ku baxaan Xukuumada iyo Xisbiga kulmiye,Madaama ay tiradii wasiirada iyo xukuumada ee ugu cuslaa Safarkaasi marayeen sidoo kalena Gudoomiyihii Xisbiga kulmiye oo ay xeegaan dhaw ahaayeen Wasiirka Duulista,Gudoomiyaha Kulmiye uu si dhaw usii kaxaystay Xasan gaaafaadhi walibana intii uu Safarkaasi ku jiray Muuse Biixi waxaa la arkaayay in Dadkii uu la shiraayay Muuse Biixi ee kasoo jeeda Beesha Bariga Burco u sheegayay in Cida kaliya ee la Soo xidhiidhi kaM Iahay Xasan Gaafaadhi,waxaanay tani sii shiday shakigii Siyaasadeed ee ay kala qabeen Kooxdii Xulafada ahayd ee Muuse ay hore dhinaca uga wada ridayeen,waxaanay sababtay in isla Maalintii uu Madaxwaynaha Somaliland Burco kula shiraayay Qaybaha Bulshada uu Magaalada Hargaysa shir Doceedyo ka Bilaabay Wasiirka Duulista Maxamud Xaashi Cabdi iyo Wasiir ku Xigeenka Kaluumaysiga Maxamed X Aadan kuwaas oo Hotel Ambasator kula shiray Koox Qurba joog iyo xubno Beesha Habar Jeclo ah in kasta oo aanay u dhicin sidii uu ka rabay wasiirka Duulistu ka dib markii qaar ka mid ah xubnihii halkaas isugu yimi ay khilaaf iyo diidmo kala hor yimaadeen hadalo beer laxawsi ah oo kaambayn ah oo wasiirka Duulistu ku tiraabayay taasina ay keentay in halkaas lagu kala dareero iyadoona aan ina wax muraad ahi uga fulin dantii uu wasiirka Duulistu lahaa,Wasiirka Duulista ayaa waxa uu xubnihii shirka kasoo qayb galay waxa uu u sheegay in shirkan akaambaynka beelaysan ah uu la ogayahay Madaxwaynuhu,Taasi oo dhabar jab ku ah safarkii Madaxwaynaha ee heer Qaran ee uu ku maraayay Gobolada Dalka.

 Xaaladan iyo kuwo kale oo ayaa ah kuwo ku xeeran Xisbiga Kulmiye waxaana wali sii xoogaysanaya musharaxiinta hanka siyaadaseed leh ee sugaya Gudoomiye Muuse Biixi marka ay gaadho Xiligeeda

 

Xigasho: Wargeyska Codka Shacabka

 

 

Comments are closed