|

“Waxaan U Malaynaynaa In Siyaasad Hoose Loo Xidhay Madaarka Berbera.” Axmed Yuusuf Muuse

Ber-bera,5Aug,2015(QJ/SDN)-Dadweynaha reer Berbera ayaa siwaeyn uga soo hor jeestay xidhnaanta Madaarka Caalamiga ah ee Berbera oo  dib u dhis balaadhan lagu sameeyay isla markaana la casriyeeyya oo aan wax shaqo ahi ka socon  tan iyo markii la dhamaystiray  casriyayniisa ee uu Madaxweynaha Somaliland xadhiga ka jaray.

Waxaanay  dareen cadho leh kaga jawaabeen sababta uu u xidhan yahay Madaarka Berbera oo ay ku sheegeen in ay tahay mid siyaasadaysan.

Qaar  ka mid ah  wax garadka reer Berbera oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Berbera ayaa intaa ku daray in ay rumawday hadal ay hore uga maqleen Wasiir Xukuumadda ka tirsan oo Madaxweynaha ka codsaday in aan Madaarka Berbera laga Dhigin Buul shimbireed.

Waxaanay ku dhaliileen Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Maxamuud Xaashi in uu masuul ka yahay xidhnaanta Madaarka Bebera  oo uu siyaasad hoose u xidhay.

Waxaanay intaa ku dareen in dayactirka Garoonka loo sameeyay ay ku baxday lacag aad u tiro badan isla markaana dalku uu u  baahnaa garoonka qarashka intaa leeg la galiyay in uu shaqeeyo iyadoo uu Madaxweyne Siilaanyo furay.17/Mar ee  sanadkan iyadoo ay lacagta  dib u habaynta madaarka Berbera loogu sameeyayna uu bixiyay oo uu Somaliland ugu deeqay Boqorka dalka Kuwait.

”Waxaanu ka hadlaynaa Madaarkan isu bedelay Buul shinbireedka Magaalada waa laga dareemi jiray dhaqdhaqaaqa,waxaan u malaynayaa in siyaasado hoose loo xidhay”ayuu yidhi Axmed Yuusuf Muuse waxaanu intaa ku daray  isagoo hadalkiisa sii wata”Waxaan u arkaa in laga maaramay garoomadii kale kii hargaysa mooyaane.”

 

Cabdiqani Xaashu Guuleed oo sina shirkaa jaraa,id ee shalay ka hadlay ayaa soo qaatay kelmad uu sheegay in uu ka maqlay Wasiir Sacad Cali Shire isagoo intaa ku daray in ay u dhacday sidii uu Wasiirka ka maqlay.”’eray baanu ka haynaa wasiirka Qorshaynta Qaranka kaas oo ahaa Madaxwayne madaarkaas yaan caaradu galin tiibaana dhacday,waxaanu leenahay Madaxwayne wax ka qabo”

 

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo noq noqonayay hadal haynta ay dadka reer Berbera wax iskaga waydiinayaan xidhnaanshiiyaha Madaarka Caalamiga ah ee Berbera iyo sababta uu u xidhan yahay walina Xukuumaddu wax jawaab ah kamay bixin.

Comments are closed