|

Ciidanka Militariga Yemen oo dagaal ku qabsaday Xerada ugu weyn dalka Yemen (DAAWO SAWIRRADA)

Al-Anad,5Aug,2015(QJ/SDN)-Ciidanka Militariga Yemen oo ay kaabayaan diyaaradaha dagaalka ee dalalka isbahaysiga, ayaa waxay dagaal qaraar kula wareegen Xerada Militariga Al Anad, oo ah Xerada ugu weyn ee dalkaasi Yemen ku taala.

 

Al Anad waxay saldhig u ahayd diyaaradaha dagaalka Mareykanka, ee weerarada xagga cirka ah la beegsada Saraakiisha Al Qaacidada Gacanka Cadmeyd. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka, ayaa qaadi jiray duqeymo dhinaca cirka ah oo ka dhan ah Madaxda Al Qaacidada Yemen.

 

Sidoo kale Xerada Al Anad waxay 60km dhinaca Waqooyi kaga toosan tahay Magaalada Cadan, oo muddooyinkii ugu dambeysay dagaaladii ka dhacaayay looga gacan sareeyay Xuuthiyiinta. Xuuthiyiintu waxay Al Anad qabsadeen daba yaaqada bishii March.

 

Saraakiisha Dowladda Yemen, ayaa waxay sheegeen inay ka saareen Xuutyiiinta saldhig muhiim ah oo diyaaradaha, kuna yaala Koonfurta Yemen.

 

Inkastoo Madaxda Shiicada Yemen wax war ihi ka soo saarin tallaabada loogala wareegay Al Anad, ayaa waxaa dhanka kale soo baxaaya warar sheegaaya in khasaaro buuran uu ka soo gaaray gulufkaasi.

 

Maleeshiyada Xuuthiyiinta, ayaa waxa uu khasaaruhu xoogiisu ka soo gaaray diyaaradaha isbahaysiga, oo dhinaca cirka ka garaacaayay, intii uu hawlgalkaasi socday.

 ?????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????? Al-Anad1 Al-Anad2 Al-Anad7 Al-Anad11 Al-Anad5 Mideast Yemen

Comments are closed