|

Madaxweynaha Kenya oo Waraaqihiisa Aqoonsiga Ka Guddoomey Safiirka Cusub ee Soomaaliya

Nairobi,5Aug,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dowladda Somalia ay u magacaawday dalka Kenya.

Safiirka cusub ee Somalia dalka Kenya  Jamaal Maxamed Hassan ayaa isaga oo xiran dharka Hidaha iyo Dhaqanka, wuxuu tagay Madaxtooyada dalka Kenya oo warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ugu gudbiyay Madaxweynaha Kenya.

somali abm

Sawiro laga soo qaaday Safiirka ayaa muujinaya isaga oo xiran Dharka Hidaha iyo Dhaqanka, wuxuuna warqadaha ku wareejiyay Madaxweynaha dalka Kenya.

Dowladda Somalia ayaa Safiirka cusub ee dalka Somalia u fadhin doona dalka Kenya magacaawday bilo ka hor, iyadoo Safiirka uu dhawaan tagay Magaalada Nairobi si shaqadiisa uu halkaasi uga bilaabo.

Safaarada Somalia ee dalka Kenya ayaa lagu xasuustaa Amb. Maxamed Cali Ameeriko oo waxqabad muuqda ka sameeyay intii uu xilka haayay Soomaali badan oo dhibaateysana caawiyay.

Comments are closed