|

Somaalida iyo Hoggaaminta !!! (qeybta 1-aad)

Waxaan maanta qalinka u qaatay in aan kahadlo oo mugdiga ka saaro macnaha guud ee hoggaamiyaha iyo sababaha uu bulshada ugu soo dhex baxo, madaama hoggaamiyuhu yahay wax umadda iyo bulshaduba aaney ka maarmeyn.

Qeybta labaad ee qormadan waxeynu ku eegi donna Soomaalida iyo hoggaaminta, tan iyo maalintii laga soo bilaabo maamulkii Msbarre, wixii ka qaldanaa. Iyo sida ay ku dambeyn doonaan.

Tan iyo maalintii aadamaha la unkay waxay lafiiq la ahaayeen hoggaaminta, taariikh da aadamaha haddaad dib-u-raad raacdo wixii ugu badnaa ee saameyn laxaad leh ku yeeshay waxay ahayd hoggaamin xumo. Dawllad dhaqaale xume ku habsatahay, ummadd burburtay , doonn degtay, dal hallaagmey, intuba waxa tixraac looga dhigayaa hoggaamin xumo.

Taa macnaheedu waxa weeye weli waxa aaney naan fahmin xaqiiqada dhabta ah eek u qotonn ta hoggaaminta, haddaba waxeynu maanta si huwan u tafsiili doonto  hoggaaminta iyo mooganaanta soomaalida.

Tiro kasta ha ahaate, ummadd ama bulsho kasta waxay u baahan tahay hoggaan arrimeheeda ka arrimiya, laga soo bilaabo qoys ilaa dawlad. Haddaba waxeynu isweydiinaynaa, hoggaamintu ma dhalad baa mise waa samays? Are they born or made?

Bulshadu wey ku kala aragti duwan tahay su’aashaas jawaabteeda, laakiin dadka qaarkood waxay ku dooddaan in hoggaanku yahay dhalad cagsigooduna waxay yidhaahdaan waa samaysa.  Waa maxey hoggaamiye?

Hoggaamiye : waa qof leh awood maamul leh (managerial ability ) si uu gaadho ujeeddo ama hadaf isla xilli cayiman. Hoggamiyuhu waa qof waxkasta iyo dhibaato kasta u badheedha, waa qof firfircoon, waa qof wax cusub abbuuri kara, waa qof wax beddeli kara, waa qof hiiraal (vision) fog leh.

Waa qof xaaladd dalka kasaari, una min guuri kara xaalad kaloo mid cusub. Waa qof wax cusub soo kordhinkaraa, isagoo khatar kasta u badheedhi kara.

Waxaasi waa dhalasho macnaheedu waa waxyi markasta la socda qofka si uu hawlihiisa ugu fududeeyo, Thomas edson, wuxuu ahaa halyaygii u tafaxaytay ikhtiraacida laydh ka (kaaha)  , edson wuxuu kuguul dareystay sameynta laydhka tiro dhan 999-jeer, ilaa markii kumaad uu u hirgelay. Dhalasho wax layidhaahdaa haba yaraate ma jirto, haddii ay dhalasho tahay edson waxaas oo rafaad ah muu mareyn, ee sida waxyiga ayay ugu soo degi lahayd. Nebbigeena NNKH ayaa la oran lahaa wuu ku dhashay nebinnimadda.

caqligaa dhalashaa ka horreeya markasta , Qofka bili’aadam ka waxa uu uurka hooyadii kasoo baxaa isagoon caqli iyo garaad midna lahayn, weliba kala saari karayn hooyadii iyo aabbihii, haddii caqligii maqan yahay sidee ayay dhalasho u noqon kartaa. Hoggaamintu waa guul lagaadho ee maaha dhalasho  ‘’leadership is an achievement not a birth right’’.

Mid kamid ah xikmaddihii Shakespeare ayaa aheyd ‘’ qofkastaa isagoo cunnug ah ayuu dhashay, balse muu dhalan isagoo hoggaamiye ah’’. ‘’ Everybody is a born baby not a leader ‘’.

Hiddo( heredity ) iyanna waa qodob kale kaas oo ka madaxbannaan dhalashada,  hidde waxay ku taxaluqdaa (  genetic issue) hiddo-siddayaal dhiiga ku jira kuwaas aad ka  dhaxashay waalid kaa ama qoyskiisana. Sida haddii uu aabbahaa gaaban yahay, waxa dhici karta adna inaad gaabnaanto ama, bal ufiirso qofkastoo gabyaa ama  abwaan ah isna awoowgii ama aabbihii baa gabyaa ahaa, sidaas darted taasi waa hiddo ayaa la oran karaa laakiin,  hoggaamintu ma noqon karto hiddo.

Guntii intaas waxaan kusoo af-meeraya in wax dhalasho layidhaahdaa marna aanney jirin, ee waxkasta noqon karaan waxaad adigu gacantaada ku kasbatid.

Islaamka iyo hoggaaminta

Inbadan ayay diinteenu inagu boorrisey xaqa iyo addeecida hoggaamiyaha, nebbi Maxamed (Nnkh) oo laga weriyay xadiis macnihiisu yahay : ‘’saddex haddaad tihiin oo aydun socdaashaan, midkiin madax kadhigta’’. Sidoo kale waxay diintu aad iyo aad innagu boorisey in madaxda la addeeco loona hoggaan-samo, waa kii nebbigu xadiis kale kulahaa’’ addeeca xataa haddii timaha madaxiisii yihiin sida sabbiibta’’. In madaxda lacaayo ma bannaana haddey waxkatasta idinku sameeynaya, gadoodku wuxuu iminkaa haddii ay kasoo horjeestaan kitaabka alle.

Laakiin, inaku soomaali ahaan , ma eegno ma kitaabkii alle ayuu ka horyimiddey, balse innaka reer hebell baa inoo kitaaba. Subxaan!

Soomaalida iyo hoggaaminta

Soomaalidu waxay kamid tahay dadka lagu xanto hoggaan xumada iyo maamul jilicsanaanta, haddaba, muxuu yahay hoggaamiyuhu, sida ay sooomaaildu u taqaan ?

Hiddaheena sida laga dhaxli-heli karo, waxa jira sifooyin looga baahan yahay qofka hoggaamiyaha noqon naya inuu yeesho. Waxa kamid aha : da’da qofka oo ay tixgelin jireen marka la caleemo-saarayo. Waxay rabi jireen qofka hoggaamiyaha u noqonaya in uu waayo-arrag yahay oo, ugu yaraan , u da’-dhexaad kujiro. Dhalinyarada ma ay duuban jirin , taana waxa ina baraysa maahmaahda ah : ‘’nin yari intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa’’. Markii uu qofku madax noqodo, dhaqankiisa iyo maamulkiisa ayay u fiirsan jireen. Waxay , haddii ay ku arkaan , ku nici jireen eexda, go’aan –jilicsanaanta iyo bakhaylnimada.

Waa tay ku maahmaaheen : ‘’ Saddex baa boqornimo kaa qaadda; gar leexsan, guddon jilicsan iyo gacan laaban!’’ .

Waxay hoggaamiye wacan u yiqiinneen midka dulqaadka badan ee dadka u taliyaa aan ciqaabta kula degdegin , taladoodanna dhegeha u fura.

Gabaygan uu tiriyay xaaji aaden afqalooc, wuxuu had iyo jeer gabayo ku tilmaami jiray ama ku cambaarayn jirey hoggaan ka xukuumadda iyo hannaanka hoggaannimo wuxuuna yiri:-

Afkaa laga maqlaa maaddadiyo, ereyga qaanuune,

Faqii guriga lagu soo ebeyay, ka akhriyeen koore,

Aqoon laawe laaluush cuniyo, aafo daba gab ah,

Iyo oday ergo ah baa sharciga, dila abidkoode,

Eexdiyo rishwadu waxay dhalaan, uurxumiyo ciile

Aanaduna cadliga laga tagay, aabaheed tahaye,

Aargoosigiisiyo dulmigu, waa isu adeere,

Marka xaqa la awdaa tolmino loo abtiriyaaye.

 

Qofkastaa hoggamiye ayuu naftiisa u yahay, laakiin waa kuma hoggaamiyaha dhabta ah? Sidee ayuu kuyimaada hoggaamiyuhu( how leaders emerge)?  Hannaanka hoggaaminimada ( styles of leadership)! IWM…………………..

Madaxweynuhu waa hoggaamiye, guddoomiyaha ururku waa hoggaamiye, iimaamka masjiddku waa hoggaamiye,  guddomiyaha jaamacaddu waa hoggaamiye.  Haddaba in qofku hoggaamiye noqdo waxa jira qoddobbo u-saamaxaya inuu hankaas yeesho waxaana kamid ah :

1.    Habka masuullnimada(style of responsibility): dadka qaarkood ayaad markiiba ka hallacsan kartaa wejigooda iney yihiin qof masuul ah iyo inkale, masuulnimadu waa shayga koowaad ee u ogaalanysaa in qofkaasi noqdo hoggaamiye, masuulnimadu waa udub-dhexaad ka qofka bili’aadam ka ahi, haddii lagaa waayo masuulnimo ( responsibility ) suurogal maaha in xataa koob biyo ah loo dirsado.

2.    Tiirar ka aas-aasaga ah ( the basic foundation): qofkastaa waxa laga qiimayaa bii’adda( sorroundings)  uu kusoo barbaaray noocadda ay tahay, haddii aad kusoo barbaartay deegaan dagaallo ka socdaan iyo dad wada fusuq miidhan ah adna iyagoo kalo ayaad astaan tooda yeelanaysaa, sidoo kale, waxa jira qoyska ( family) aad la nooshahay kaallin laxaad leh ayay ka qaatan in aad noqoto hoggaan heer-sare ah, haddii aabbahaa uu markasta u heelan yahay siduu adiga ku soo saari laaha, halkaas waxa ka cad in mustaqbaalkaagu marna mugdi geli karayn.

Dhalinyarnimaddaadi ( historical events) iyo dadkaad la dhaqan tahay markasta waa meesha ugu muhiimsan ee laga saaddaalin karo ruuxaas aayihiisa dambe. in dad maskax -maal ah iyo kuwo kuwo caqliga u saaxibb ah aad raacdid waxay saxeysaa tiirarka cidhib dambeed ka noloshaada.

3.    Koritaan ka gudaha ( inner growth): iskuul ka, dhalinyarnimaadi waxaad ka shaqeyn jirtay, IwM, dhammaan waxaas oo dhan baa loo yaqaan ( inner growth) meselan , aqoontaad xambaarsan tahay markasta waxa waajib ah iney habdhaqaan kaagi si habsami leh u baddesho caqligaaga iyo aragtidaadana ay fogayso madaama la tilmaamo dadka waxbarashada aad ka ugu dadaala ay ugu dambayntii noqon karaan hoggaamiye,qofku haddii aanu aqoon fiican baran wey adag tahay inuu noqdo hoggaamiye loo boggo.  Markasta dhalinyarnimadu waa bu’da koobaad ee aayaha qofka haddii wakhtigii dhalinyaranimaadi dayacdey, waxaa aad u adkaaneysaa in wakhtigaa ku dhaafey dib-kuu-soo mari doonno.haddii qofku waxbarasho wacan helay, dhalinyarnimadiisina khibrad soo helay, waa astaanta saddexaad ee macquul ka dhigi karta in aad hoggaamiye noqoto.

4.    Khibrad qaan-gaadh ah (mature experience):  haddaad boqollaal shahaado siddato, laakiin se aanad khibrad laheyn, ogow shahadaasi waxba kuu tarimayso. Ruuxa loo rajeynayo inuu hoggaamiyo noqodo, waa mid leh khibrad iyo dad lasoo dhaqan kala duwan, waayo markastoo bulshada aad dhex gashid lana dhaqantid waxaad ogaaneysaa wixii khaladaad ah  ee aad gashey ( mistakes) tanna waxay kamid tahay qoddobada kuu saamaxeysaa inaad hoggaamiye noqotid.

5.    Tababar ka( training ) :ciidan ba ciidan ka uu ka tabobar wanaagsan yahay ka caalamisan kana guuleysi badan, in tababar kala duwan aad hesho si ay kuu saaciddo aqoontaada iyo waayo-arragnimadaada, waxa jira qof dhalinyaro ah oo haddana ka khibrad badan qof waayeel ah, taana waxa sababtey wuxuu soo marey tababar kala duwan. Qoddob kan u dambeeyaa waxa la oran karaa waa ka ugu muhiimsan ee ah inaad ku dadaashid.

 

.

 

Author: abdihakim abdilahi Aden     

Addis-Ababa   Ethiopia

Email: abdi.177@hotmail.com

Face book account:    abdihakim abdilahi Aden

La soco qeybta labaad.

Comments are closed