|

Dawladda Federal-ka Somalia Oo Shaacisay Inay Dalkeeda Ka Mamnuucday Gudniinka Fircooniga ah

Muqdisho:Aug,04,2015(SDN/QJ)-Iyadoo ay caalamka kasoo baxayaan qaylo-dhaan ka dhan ah Gudniinka lagu sameeyo Hablaha yar yar, ayaa waxa ay Dawladda Federal-ka Somalia si rasmi ah u shaacisay inay dalkeeda ka mamcuucday Gudniinka hablaha yaryar ee soo koraya.

mudarGudniinkan, ayaa muddo fog looga soo dhaqmaayay dalka Somaliya, iyadoona muddooyinkii ugu dambeysay uu ku dambeeyay Gobolada iyo miyiga dalka, xilli uu ka yaraanaayay magaalooyinka.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Xuquuqul Insaanka Somaliya, Sahra Maxamed Cali Samatar, ayaa ku dhawaaqday in gudniinkaasi laga joojiyay dalka Somaliya, iyadoona ballanqaaday inay dhaqan gelinayaan sharciga joojinta fircooniga.

Tani, ayay sheegtay inay ka dambeysay markii la arkay dhibaatada iyo caafimaad darada uu ku hayo hablaha Somaliyeed ee loo gudo qaabka fircooniga, khasabna ay noqotay in dalka laga mamnuuco.

Sahra Maxamed Cali Samatar oo u warantay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa hoosta ka xariiqday in iminka lagu hawlan yahay diyaarinta, xeerkii ciqaabta ee lagu fulin lahaa cidii lagu helo gudniinka fircooniga inay hablo u guday.

Mar la weydiiyay sida sharcigan looga hirgelinaayo dhulka ay Al Shabaab maamusho, ayay sheegtay in dhawaan ay ka rajo qabaan in dhulkaasi laga saaro mintidiinta, Dowladduna ay ka hirgeliso ku dhaqankiisa.

Sahra, ayaa qabta in sharcigan maalin qudha looga dhaqangelin karin gudaha Somaliya, balse uu yoolku yahay in tobanka sano ee soo socdo laga waayo gudaha Somaliya.

Saraakiisha dhakhaatiirta caafimaadka Somaliyeed, ayaa laga soo xigtay 20-kii sano ee la soo dhaafay in gudniinka fircooniga uu ka yaraanaayay dalka, markii la sameeyay wecyigelin bulshada looga digaayo adeegsiga gudniinka fircooniga.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed