Hargaysa:Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida Oo Dil Toogasha Ah Ku Xukuntay Askari Ka Tirsan Ciidanka.
Hargeysa,3Aug,2015(QJ/SDN)-Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ayaa Maanta Dil Toogasha Ah ku Riday Cabdilaahi Cabdi Cilmi oo 55 Jir Ah,siday sheegtay Marka uu Si badheedh Ah u toogtay Marxuum Cabdi Nano.
Waxa ay intaas maxkamadu Raacisay Go’aankaas lagu gaadhay fadhi ay maanta Maxkamadu Yesheen Go’aankaas Dilka Ahna lagu gaadhay.
Hadaba War Qoraal Ah oo Ay soo saartay Maxkamaddu ayaa waxa uu u dhignaa sidan.
Xukunka Maxakamada ka soo baxay ayaa lagu yidhi “Maxakamaddu markay aragtay Qodobka 195 ee xeerka ciqaabta ciidamada xilliga nabadda iyo xeerka ciqaabta guud, waxay xukuntay Rafcaanle Cabdillaahi Cabdi Cilmi oo 55 Sanno jir ah, magaca hooyadiina la yidhaahdo Faadumo
Axmed, waxaanay ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii ay ku caddaatay inuu dil ula kac ah ku dilay Marxuumka Magaciisa la odhan jiray Cabdi Cismaan Cali(Cabdi Nano), taariikhdu markaya ahayd 02-June-2015.” Dilka Marxuum Cabdi Nano ayaa ka dambeeyay Muran dhul oo ka dhacay degaanka Masallaha Magaalada Hargeysa, kaasi oo ka dhexeeyay dhinacyada dilku ka dhex dhacay,iyadoo dhibaatooyinka dhulka ee Somaliland yihiin kuwo soo noqnoqday marar badana gaystay khasaare dhimasho.