|

Duqa Degmadda Saylac Oo Wargeyska Haatuf Uga Waramay 9 Qof Oo Haraad Ugu Dhintay Deegaankaas Oo Ay Ku Jirtay Hooyo Ilmo Yar Sidatay

Saylac,3Aug,2105(QJ/SDN)-Maayarka degmadda Saylac ee xarunta gobolka Salal Md Xuseen Iidle Barkhadle ayaa mar uu goordhawayd khadka telefoonka ugu waramayey Naasir Aadan Maxamed (Nawaa) oo ka tirsan bahda Wargeyska  Haatuf , tafaasiil ka bixiyey abaar iyo haraad baahsan oo ka taagan deegeenada xeebta galbeed ee Somaliland, kaas oo tilmaamay inay dhawrkii bilood ee u danbeeyey ay deegaanadaasi ay haraad ugu dhinteen 9 ruux oo ay ka mid ahayd hooyo gabadhyar sidatay oo iyadiina dhimatay ilmihii yaraana la badbaadiyey oo uu noolyahay imika, taas oo aan ilaa hadda la aqoonsanin.

Duqa degmadda Saylac Mr Xuseen waxa uu sheegay inay wada fadhiisteen mishiinadii ceelasha biyaha ee ay bulshadda deegaankaasi ka cabi jireen, kaas oo xukuumadda, hay’adaha gargaarka iyo bulshadda Somaliland ka codsaday in loo soo gurmado shacbiga gobolka Salal.

 

Xuseen Iidle Barkhadle waxa kale oo xog-warankan kaga hadlay baadhistii ay dhawaan Hantidhawrka Qarankuka bilaabeen qaar ka mid ah hay’adaha dakhli ururinta ee degmadaasi oo ay ka mid ahayd dawladda hoose ee Saylac.

 

Ugu horayna isagoo xaalada deegaankaas ka hadlaya, waxa hadalkiisa ku bilaabay “Xaalada deegaankani Alxamdulilaah waa nabad guud ahaan, wax aan abaarta ba’an ee ay dadka iyo xooluhuba aadka ugu laf-jabeen aan ka ahayn oo jiraana ma jirto, taas oo ay u dheertay biyaha ceelasha oo aad u dheer ayey hadana dhawrkii ceel ee ay bulshadu ka cabayeena ay cadilan yihiin intoodii badnayd. Markaa abaartaas nagu habsatay waxaan ahayn ma qabno oo ilaa sanadkii hore jirtay oo anagu xays ayuun baanu helnaa ee guga shaqo-ba kuma lihin, isla markaana xayskii horena wuu naga baaqday”. Mar aanu wax ka waydiinay inay jiraan wax gurmad ah oo ama xukuumadda ama cidkale toona uga yimid bulshadda gobolkaas, waxa uu yidhi “Dawlada dhexe wali waxba namay soo gaadhsiinin laakiin qaylo-dhaantu way socotay ilaa bishii hore iyadoo uu shalayba nala joogay wasiirkii dhalinyarada iyo ciyaaraha oo xaga Djibouti nagaga yimid, markaa ilaa imika ma jiraan wax gurmad ah oo xukuumadda ama shacbiga midna ka soo gaadhay dadkan abaarta iyo biyo la’aanta la ildaran. Markaa ka maamul ahaan waxaanu codsanaynaa in intii aanu marwalba ka hadli lahayn biyo la’aan in hal ceel uun naloogu tuntuunsado oo Mishiin naloogu soo iibiyo ayaa ka quruxbadnaan lahayn, waayo biyaha hadii imika la dhaamiyo hadana bil ka dib dhibaatadu halkii ayuun bay taagnaanaysaa, markaa waxaan ku baaqayaa in ceelashada cadilan ee  mishiin la’aanta la cadilan in mishiino naloogu keeno insha Allaah. Markaa arrintaasi waxaan kaga baxayaa ha loo soo gurmado bulshaddan oo hay’adaha gargaarkuna ha soo gaadhaan, isla markaana cidkasta oo gacan ka gaysan kartaana ha soo gaadho, waxaanan halkan uga mahadnaqaynaa dawladda aanu jaarka nahay ee Djibouti oo iyadu dhawrjeer noo soo gurmatay, taas oo qalabkii iyo wiishkii noo keenay, iyadoo ay wasaaraddii biyaha Somaliland-na Hargeysa kasoo gurmatay oo imika hawshii  ceelka Laanta-muradu way socotaa oo daynabadii waa la sameeyey balse mishiinadii baa cadilan ilaa imika”.

 

Xuseen Iidle mar uu ka hadlayey dad ugu dhintay haraad deegaankaas, waxa uu yidhi “Dadka ku dhuntan sanadkan oo kaliya inta waliba xagaaga ah waa ilaa 9 qof oo meelo kala duwan oo deegaanka ka mid ah uu haraad ku dilay, kuwaas oo ah dad socdaalaya ama baadi doon-doonaya, arrintan ugu naxdinta badnayd ee dhacday waxay ahayd  haweenay sidatay ilmo-yar oo gabadh ah oo ilaa afar jir lagu qiyaasay  oo iyadii  haraad u dhimatay ilmihii yaraana uu noolyahay ilaa imika, taas oo ku dhimatay meel Lawyo-cado koonfur ka soo xigta, taas oo aan ilaa imika la aqoonsanin isla markaana loo malaynayo uun inay xagaa Djibouti u socotay, gabadhaasi waxay u dhimatay ee dilayna haraad buu ahaa, taas oo u muuqatay inay wadada ka halawday, markaa ma jirto ilaa imika cid gabadhaas yar aqoonsatay”.

 

 

 

Maayarka Saylac Xuseen Iidle Barkhadle mar wax laga waydiiyey ujeedada hawlgal ay Hanti-dhawrka guud  ku galeen hay’adaha dakhli ururinta Saylac, waxa uu yidhi “Horta odhadku inuu yimaado Saylac waxay ahayd wax la filayey, waxaanu u xilsaaran yahay inuu hantida dawladda ilaaliyo, anaga ka degmo ahaana markii uu noo yimidba waxaanu nidhi hawshiina wata, waxaanu baadhis ku sameeyey dawladda hoose iyo wasaaradda maaliyadda, run ahaantiina waxaan u arkaa inuu waajibaadkiisa shaqo gudanayey. Markaa waxay ahayd uun maamul toosin oo ahayd arrin aanu aad ugu baahnayn, manay sheegin wax hanti lunsi ah oo ka dhacay dawladda hoose ee degmadda Saylac oo qoraalo-na way na siiyeen ay noogu sheegeen meelaha maamul toosinta u baahan”.

 

Ugu danbayn mar uu duqa degmada Saylac ka hadlayey khilaafka siyaasadeed ee wakhtigan ka taagan Somaliland waxa uu yidhi “Waxaan aaminsanahay inaan wakhtigan siyaasad lagu hirdamaa meesha oolin oo uu dalkii galay xaalado adag oo deegaano badan laga soo sheegayo abaaro baahsan, waxaana maanta la gudboon dhinacyada siyaasada ku muransan waar ummada sidaynu ugu gurmanaa, waana nasiibdaro hadii dalkii doonayeen inay u taliyaan mucaaridku ama kuwan joogaaba ay u talinayeen ay dhibaato ka jirto, runtii waxaan odhan lahaa bulshadda ha loo gurmado oo gargaar degdeg ah ha la soo gaadhsiiyo shacbiga abaarta la tabcaansan”.

Comments are closed