|

”Golihii Guurtida Ee Aanu Soo Xulnay Waxa Ka Nool 7… Go,aankii Xisbiyada Iyo Guddida Doorashadana Waa In… Suldaan Xasana Waxaan Leeyahay”…Sul.Maxamed Sul. Cabdiqadir

Hargeysa,3Aug,2015(QJ/SDN)-Suldaanka guud ee beelaha somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ka hadlay xaalka siyaasadeed iyo bulsheed ee uu haatan dalku ku sugan yahay.Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa klae oo uu jawaab ka bixiyey hadalo uga yimid suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo ka mid ah madax dhaqameedka somaliland

suldaanka

Ugu horayn Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka hadlaya xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Siyaasada uu maanta dalku ku socdo wixii ay isla aqbaleen sadexda xisbi qaran iyo guddida doorashadu inay cid kale soo fara galiso maaha,  waxaana qurux badan in sidiisa lagu ansixiyo si ay dhibaatadu u yaraato, taasina waxay imanaysaa marka ay golaha guurtida o

 

ah golaha aanu keenay ee aanu Cadaroosh ku soo xulnay saakana waxa ka nool 7 qof, meeshiina waxay isku badashay dhaxaltooyo, ninka golaha guurtida galaya  horta cod laguma soo dooran karo sababta oo ah mid beelaha isku guba iyo mid balaayo dhex dhiga intuba way soo galaysaa hadhawna laga saari kari maayo wax ay nabad galyo ka qaban karaana ma jirto.”Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaanu wali arag golaha guurtida oo ka hadlaya danta umada waxaanu yidhi “Intii uu golahaasi jiray wax cusub wali kamaan maqal laba mooshin mooyaane, aan mushaharka aan kordhisano iyo aan mudada kordhisano waar aan umadaha wax la qabsano inaga oo somaliland ah.”

 

Dhinaca kale waxa uu Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir sheegay in qofka doonaya somaliya inuu tago uu u madax banaan yahay sida siyaasiyiinta somaliland ee haatan xamar ku sugan oo kale waxaanu yidhi “Nninkii  somaliya u bu,aya ha tago sida wasiirada reer somaliland ee xamar jooga oo haw doontaan waxay ka helayaan, umadu wax ha qabsato oo dadka wax qabsanaya hala qabsato  oo dadka dariska ah wax hala qabsato, oo is dhex marka iyo nabad galyada aan ka wada shaqayno, hadaan nidhaa Puntland aan ka wada shaqayno nabad galyada iyo is dhex marka iyo ganacsiga xaq ayaanu u leenahay waayo dad shacabka ah ayaanu nahay,haddii danta shacabka la eegayo waxyaabo badan ayaa u baahan in xukuumada lagala hadlo.”

 

Ugu danbayntiina Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu la hadlay Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo ka mid ah madax dhaqameedka somaliland waxanu yidhi “Suldaan Cabdiraxmaan iyo Suldaan Cabdilaahi waxay ahaayeen ragii ugu horeeyey  ee calanka SYL  waqooyiga ka taagay, Ingiriiska oo taagana geela ku  qal qalay, Suldaan Xasana waxaan leeyahay kolay ba dahabo ayeynu isku nahee yeynaan warmaha isku taag taagin ee aynu kala xishoono.”

Comments are closed