|

Tubta madow ee soomaalilaand ku socoto Qallinkii Ibraahin Yuusuf Axmed Hawd

Soomaalilaand waxaa la qaatay hannaanka dawladeed ee loo yaqaan dimuqraaddi. Waa hannaan ay tijaabada taariikhdu xaqiijisay in uu waxtar u yahay sinnaanta iyo caddaaladda siyaasadeed ee dal, is la markaa si adag u xakameeya cidda talada haysa. Iyada oo hannaankani awoodda oo dhan siinayo dadweynaha, maanta Soomaalilaand awooddii oo dhan waa la ga xayuubiyay dadweynaha, waxaana si buuxda u gu tagrifalaya dad aan la dooran ee iyagu is doortay.

hawdMaamulka caawa Hargeysa ka arrimiyaa sinaba sharci u ma aha. Sharci darradaasi in ay dhacdo waxaa isu kaashaday idil ahaan golayaashii dawladnimadu ku dhisnayd, kuwaas oo ay dhammidood sharciyaddii la gu doortay ka dhammaatay, dabadeed isu rogay xulafo budhcad ah oo danaysi gaar ah is ku oggol. Golayaashaa muddo xileeddoodii dhammaatay dadka ku xeraysani sida muuqata wax ay is tuseen arrinka ah ”oo horta ummad inna la xisaabtami karta oo wax ina yeeli kartaa ma jirtee, danaheenna maynnu is ka wadanno oo innagu is kaashanno?”. Wax ay u eg tahay damacaa xaaraanta ahi inta uu doono in uu sii socon doono kolka la eego wacyiga maydka ah ee bulshada iyo xilkasnimo la’aanta aqoonyahanka oo badankiisu dhegta huwan.

Dal dimuqraaddi ah bulshadu diidmadeeda siyaasadeed wax ay ku muujisaa laba siyaalood. Midi waa sanduuqa codaynta oo waxa ay diiddan tahay ”maya” tidhaahdo. Midina waa muddada labada doorasho u dhexaysa oo bulshadaasi diidmadeeda ku muujiso bannaanbax, shaqo joojin iyo dhawaaq ay mariso warbaahinteeda xorta ah. Bulshadu in ay siyaalahaa isu muujiso abaabulkeeda u gu horrayn waxaa leh siyaasiga mucaaradka ah. Haddaba maxaa ku dhacay is muujintii bulshada Soomaalilaand ku diidi lahayd ku xadgudbidda dastuurkeeda iyo afduubista dawladnimadeeda? Waxaa dhacday in dadweynaha la gu yidhi haddii aad muddaharaaddaan waa la idin laynayaa. Mucaarad qudhiisa ayaa ay taageeray hanjabaaddaa waallida iyo kibirka ah.

Intaas uun ma aha ee weliba godobta sidaa u weyn eeddeeda waxaa la saaray is la dadweynaha dulman, iyada oo la gu yidhi bannaanbax garan maysaan. Bal dhadhanso hadalkaa waxa ka buuxa sharci jebin, kelitalisnimo, burburin xuquuq asaasi ah, iyo weliba maangaabnimo. Waxaa la doonayaa in la yidhaahdo, dadka reer Soomaalilaand u ma qalmo in uu ahaado dawlad dimuqraaddi ah, u ma qalmo in uu wax diido, u mana qalmo in uu diidmadiisa muujiyo. Dhab ahaantii siyaasi ku sheegga kibray ee seetada iyo hoggaanka goostay wax uu lee yahay, waxa aan doono ayaan samaynayaa, shacbiguna waa xoolo aan waxba garanayn ee ha aamuso. Halkaas bay dantii weligeedba la soo dhisay ka luntay. Dabadeed muwaaddinka waxaa hor imanaysa wayddiin yaabban oo far waaweyn ku qoran: OO HADDAA MAXAAN WELIGAY U SOO DHIMANAYAY?!

In uu mucaaradku si firfircoon u ga qayb qaatay daminta iyo baabbi’inta bannaanbaxyadii umaddu ku diidi lahayd sharci la’aanta dawladeed, waa mid ka mid ah waxyaalo ina tusaya in uu jiro heshiis ay xisbiyada iyo golayaasha maafiyoobay ku wada galeen afduubka dawladnimada iyo bililiqaysiga siyaasadeed iyo dhaqaale. Ma ay dhowayn maalintii uuu Faysal Cali-Waraabi inoo sheegay xaqiiqada ah golayaasha waqtigoodu dhacay, xukuumadda iyo mucaaradku toonna in aanay doonayn dalka in doorasho ka dhacdo, waayo ayuu yidhi “nin walba xanjo ayaa meel u gu dheggan”. Xanjadaas baa loo sadqaynayaa dawladnimadii dhammayd. Waa damac halis ah oo dhab ahaantii burburinaya hammigii iyo kalsoonidii dadku dawladnimo ku qabi lahaa.

Sidaas baa la gu galay dawladnimo afduuban oo aan wax sharci la yidhaahdaa shaqaynayn, dadka afduubayna u dhaqmayaan sida ay doonaan. Awalba ma jirin musuqmaasuq la gu eedoobo, eex iyo qabyaalad la gu ceeboobo iyo xuquuq muwaaddin oo la dhawraa, tani se waa faro ka bax. Intee ayay masiibadani sii soconaysaa?

Marka la eego warqaddii Guurtidu ka soo saartay muddo kordhinta, wax aan caad saarnayn qorshuhu in uu yahay dalka in aanay doorasho dambe ka dhicin, sideedaba. Sida uu hadalka warqaddaa ku qornaa u caddaa, sida fudud ee muddo kordhinta aan sharciga ahayn loo meelmariyay, iyo sida fudud ee waxaas oo dhan loo liqay ayaa sii dhiirri gelinaya damcaa xun. Damacaas baa galaafan doona jiritaanka Soomaalilaand, ha dhowaato ama ha dheeraatee.

Wayddiinta muhiimka ahi wax ay tahay, maxaa u sabab ah damaca sharci darrada ah ee aan soohdinta lahayn ee siyaasiga, iyo falcelin la’aanta dhimashada u eg ee bulshada? Ma dhab baa dadkeennu in aanay dawlad wanaagsan u qalmin? Ma dhab baa umaddani in aanay u qalmin in ay masuulkeeda iyadu doorato, in ay la xisaabtanto iyo in uu awooddeeda sharciga ah ka baqo? Maya, sidaa ma aha xaqiiqadu, waxaa se jirta ayaandarro kale oo Soomaalilaand u gaar ah.

Asalkaba, xitaa dalalka dawladnimada ku horumaray, waxaa jirta, loona baahan yahay, awood u dhexaysa siyaasiga iyo dadweynaha. Awooddaasi waa shakhsiyadda loo yaqaan aqoonyahan ama indheergarad. Dadweynuhu goor walba wax uu u baahan yahay in loo iftiimiyo waayaha jira, waxa qaldan, cidda gefta, iyo tubta qumman. Halkaas ayuu dadweynuhu ka aragti iyo ilays qaataa oo wax ku qiimaystaa. Wacyigelin, wargelin iyo aqoongelin baa la yidhaahdaa. Is la awooddaas ayaa siyaasiga qudhiisa hagta oo tubta qumman ku ilaalisa, oo uu ka aragti iyo ilays qaataa. Waa taa haddaba meesha maanta ina madhan ee dawladnimada Soomaalilaand haawanaysaa. Madhnaanta kaalintaas baa keentay bulshadu in ay garan waydo wax ay samayso iyo si ay u ga falceliso dawladnimadeeda la gu falaadayo. Is la kaalintaa madhan baa keentay siyaasigu in uu dawladnimada u la dhaqmo sidii geeloodii, wax kalena garan waayo.

Ma jiraa haddaba qofkaa aynnu aqoonyahan ama indheergarad ku sheegnay, haddii se uu jiro se xaggee buu ku maqan yahay? Horta sunnaha nolosha ayay ka mid tahay ummad walba xilli walba in ay jiraan dad garasho iyo aragti dhaama dadka intooda badan, markaa Soomaalilaand maanta dad caynkaas ah ka ma fara madhnaan karto. Waxaa se jirta indheergaradka Soomaalilaand in aanu lahayn karti ka dhigta “mudhbax”, taas oo ah in uu yeesho han iyo madaxbannaani uu ammuuraha dalkiisa oo dhan dhex ka ahaado dushana ka wada joogo. Indheergaradkii Soomaalilaand u baahnayd badankiisu maanta bulshada ayuu ku dhex lunsan yahay, siyaasadda xun ayuu ku milan yahay, ama dantiisa gaarka ah ayuu u go’an yahay. Dabadeed Soomaalilaand wax ay cagta saartay tub madow.

 

Comments are closed