|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Hay’addo Xukuumaddiisa Katirsan Amray Inay Gargaar Ka Geysyaan Abaaraha iyo Biyo La’aanta Dalka Ka Taagan

Hargeysa:Aug,02,2015(SDN/QJ)-Kadib abaaro dad iyo duunyoba saamayn nololeed ku yeeshay oo ka taagan Gobollo dalka mid ah, ayuu Madaxweyne Siilaanyo arrimahaas jawaab afka ah ka bixiyey, waxana uu Wasaaradaha Maaliyadda iyo Biyaha Amray inay taakulayn ka gaadhsiiyaan Goobaha Abaarahaasi aafeeyeen.

abaarMadaxweynaha ayaa amray in 48-ka saacdood ee soo socda wasaaraddahaasi bilaabaan biyo dhaamis degdeg ah oo dadkaasi lagu gaadhsiiyo biyo kadib markii abaaro saameeyay dad iyo duunyo saameeyeen deggaannadaasi.

Go’aanka madaxweynaha ayaa soo baxay iyadoo Mudaneyaasha gobolada galbeedka Somaliland iyo xisbiga Waddani ka dayriyeen xaaladda nololeed ee degaannada Awdal, Salal iyo Gabiley.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu amar ku bixiyay in biyo dhaamiskaasi socdo inta laga daboolayo baahida dhinaca biyaha ee dadka iyo xoolaha haysata ama inta Raxmadda Alle ka da’ayso.

Dhinaca kale kadib go’aanka madaxweynaha shalay Galabtii, waxa uu roob fiicani ka da’ay Magaalada Gabiley iyo degaammada hoos yimaada. Qaar ka mid ah dadweynaha Gabiley oo saxaafadda la hadlay ayaa Alle uga mahadnaqay Raxmadda Alle ee da’day wakhti aad loogu baahnaa, iyagoo Alle ka rajeeyay inuu raxmada u siyaadiyo.

Wasiirka warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse oo Burco kaga dhawaaqay amarka Madaxweyne Siilaanyo, ayaa shacabka ugu baaqay inay Alle waydiistaan Raxmaddiisa islamarkaana Alle ka baryay inuu Dayr wanaagsan siiyo dadka iyo duunyada Somaliland ku nool.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed