|

Wiilka Uu Madaxweyne Siilaanyo Soddogga u Yahay Oo Gucle Ugu Jira Hoggaaminta Xisbul-xaakimka Kulmiye

Hargeysa:Aug,2,2015(SDN/QJ)-Guuxa iyo xam-xamta aqalka madaxtooyada laga maqlayo ee arrimaha xisbiga Kulmiye ku saabsan, ayaa sheegaya in Qoyska madaxtooyadu qorshaynayaan inay Wiilka ay u dhacday gabadha uu madaxweynuhu dhalay ee Baashe Cawil(baashe-morgan) loo abaabulayo in hoggaanka Xisbiga loo gacan geliyo.

moorgXogaha la hayo, ayaa sheegaya in Baashe Moorgan oo xilligan ka mid ah shakhsiyaadka ugu awoodda Badan xubnaha qoyska madaxweynaha lagu wado in hoggaaminta xisbiga Kulmiye loo dhiibo  marka la gaadho shirweynaha xisbiga Kulmiye uu Guddoomiyenimiadiisa kusoo dooran doono, kaas oo la filayo inuu madxweyne Siilaaanyo ka iclaamin doono inaanu musharrax ahayn.

Sheekadan oo baryahanba la tuhunsana inay jirto ayaa hadda saani u soo shaac baxday marki uu Baashe Cawil todobaadkan horaantiisii damaciisan ku soo bandhigay kulamo uu Hargeysa kula yeeshay odeyaal ka tirsan beeshiisa.

Baashe Cawil oo shaqada kaliya ee uu abid soo qabtay tahay isagoo mar taksiile ka ahaanjiray magaalada Los angeles isla markaana aan aqoon u laheyn luqada Carabiga ayaa odayga sodogga u ahi dhawaan u magacaabay inuu noqdo wakiilka Somaliland u fadhiyi doona caasimadda Imaaraatka ee Abu-Dhabi, jagadaas oo marki hore loo waday wasiirki hore ee Warshadaha xilgii xukuumaddi Riyaale ee Maxamed Saleebaan Weyne kaasoo aqoon fiican u leh dhaqanka iyo afka Carabiga isla markaana hore uga soo shaqeeyey  Khaliijka.

Siday ilo wareedyo arintan u dhuun daloola tibaaxeen, madaxtooyada ayaa ka noqotay qorshihii ahaa in Maxamed Saleebaan Weyne loo magacaabo xilka wakiilnimada Imaaraatka ka dib markii  Baasha Cawil iyo xaaskiisu magaalada Nairobi uga soo qaxeen xagga Imaaraatka.Xaaska Baashe ee Luul Silaanyo ayaa gurigi ay Nairobi ka deganeyd 2 jeer loo soo dhacay taasoo keentay inay soo degaan Imaaraatka si ay caruurtooda ugu daraan mid ka mid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay(elite private schools) ee ay wax ka bartaan ubadka ay maalqabeenadu dhaleen.

Arintan ayaa waxay ku soo beegantay xili ay dalalka khaliijku isu bahaysteen la dagaalanka Xuutiyiinta ay Iraan taageerto isla markaana ay dawladaha Khaliijku danaynayaan iskaashi dhex mara iyaga iyo Somaliland gaar ahaan dhinaca dagaalka Yemen iyo sugidda amniga albaabka koonfureed ee badda Cas iyadoo sida muuqata ay qoyska madaxtooyadu marki dambe la noqon waday inay cid ka baxsan caa’iladda  ku aaminaan sirta xafiiska ay rajaynayaan in Imaaraatku mucaawimooyin mudakar ah u soo marin doono Somaliland.

Ma cadda sida uu Wiilka madaxweynuhu Soddogga u yahay oo aan lahayn wax khibrad siyaasadeed ahi usoo bandhigi doono damaciisa, isla-markaana bahweynta Kulmiye ugu sharraxi doono inuu hoggaamintooda u jeellan yahay.

 

Source:Haatuf.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed