Xildhibaano ka Tirsan Guurtida Iyo Wakiiladda Somaliland oo Xukuumadda iyo Hay’adaha Caalamiga ah Baaq Qaylo dhaan abaareed ah u diray
Hargaysa 01.Aug 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland oo ka soo jeeda Gobolada galbeedka Somaliland, ayaa sheegay inay xaalad adag oo abeereed ku habsatay dad iyo duunyaba bulshada ku dhaqan Goboladaas, isla markaana waxay ku baaqeen haddii gurmad degdeg ah lala soo gaadhin ay adag tahay siday noqonayso noloshoodu oo ay marayso meel aad u adag.
Xildhibaan Cabdi Maxamuud Jaamac (Gagaale), Xildhibaan Axmed Daahir Maxamuud Jirde iyo Xildhibaano kale oo maanta shir jaraa,id ku qabtay aqalka Baarlamaanka ee Hargeysa, ayaa sheegay inay dadkaas ay halakaysay abaaro ba’an.
xildhibaan Cabdi Maxamuud Jaamac (Gagaale), oo ugu horayn halkaas ka hadlay, wuxuu sheegay in galbeedka sannadkan maanta abaarta ka dhacday ay tahay mid aan waligeed hore loo arag. “Gobolada galbeed abaarta ka dhacday sannadkan, waa mid aan waligeed ka dhicin, walina cid gurmad gaadhsiisay ma jirto. Hadday dhinaca dawlada tahay, hadday dhinaca beesha caalamka tahay iyo shacaba, waxaanu codsanaynaa in dawladu ay gurmad deg-deg ah samayso oo ay soo gaadhsiiso dadkaas. Ganacsatada lacagta haysataana ay gurmad degdeg ah u sameeyaan waa dadkoodii. Quraba-joogtana waxaanu ugu baaqaynaa inay u soo gurmadaan dadkooda oo waxa baqtiyaaya waa shacabkoodii, waa inay soo caawiyaan. Maaha abaarihii lagu arki jiray galbeedkana oo abaari kumay dhici jirin, waa tii ugu xumayd maanta. Alle ayaa gacantiisa lagu dhargaaye waxaanu ka baryaynaa inuu alle roob siiyo.”ayuu yidhi Xildhibaan Cabdi Maxamuud Jaamac.
xildhibaan Axmed Daahir Maxamuud Jirde oo isna shirkaas jaraa,id ka hadlay maanta, ayaa sheegay in meelaha ay abaarta ba’ani ka jirto tahay Gobolada Awdal, Selal iyo deegaanada ku xeeran waxaanuu yidhi, “Waxaanu ka hadlaynaa Gobollada Awdal iyo Selal abaar ba’an ayaa dad iyo duunyaba saamaysay, Alle ayaa deeqda bixiya, waxaanuu leenahay allow abaarta ka soo jabi. Mar labaadkana xukuumadda,qurba-joogta iyo ha’yaddaha Caalamiga ah, waxaanu leenahay dad iyo duun-ba dadkaasi digada ayey yihiin ee si guud oo Somaliland-nimo ah ama tolnimo ah wax u tara oo wax la soo gaadha.”
xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed oo isna ka mid ahaa mudanayaashii shirkaas jaraa,id ka hadlay, ayaa sheegay inay Goboladaas galbeedka ay ka taagan tahay xaalad aan hore loo arag. “Meeshaas Gobollada galbeedka waxa ka taagan abaar aan hore uga dhicin. Maalin dhawayd nin baa iisheegayay oo waxa uu yidhi saddex sac oo uu lahaa magaalada intuu yimaado ayuu boorash qaxoontiga la siiyo uga iibiyey dabadeed mid-ba sacab ayuu siinayay, waa waxii dadku ay cunayeen. Alle ayaynu ka rajaynaynaa inuu ka soo jabiyo abaartaas, markaa waxaanu ku baaqaynaa oo aanu codsanaynaa in loo dedaalo oo loo soo gurmado dadkaas wixii la tari karo la taro,”ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Daahir.
Geesta kale shirkaas jaraa,id maanta waxa ka hadlay xildhibaano kale oo iyaguna ka mid ahaa mudanayaashaas laga soo doortay Gobolada Galbeedka Somaliland, ayaa ugu baaqay xukuumadda iyo ha’yaddaha caalamiga ah ee gargaarka inay gurmad degdeg ah la soo gaadhaan bulshada iyo xoolaha ku dhaqan deegaanada Awdal iyo Selal oo ay ka jiraan abaaro xun, isla markaana deegaanadaas ayaa waxa helin roobabkii guga ee sannadkan.