Carwadii 8aad Ee Buugaagta Hargeysa Oo Maanta si rasmi ah uga furantay Hotel Guuleed ee Caasimadda Hargeysa- DAAWO SAWIRRADA.
Hargeysa,1-8-2015(QJ/SDN)-Munaasibad ballaadhan oo lagu furayey carwadii 8aad ee Buugaagta Hargeysa International Book Fair ayaa maanta si rasmi ah uga furantay Hotel Guuleed ee caasimadda Hargeysa
Xafladdan oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u tira badan oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee waddani Cabdirraxmaan Cabdillaahi Cirro, Dr.Sacad Cali Shire wasiirka qorshaynta Somaliland. Waxa kale oo kasoo ayb-galay bandhigan caalamiga ah hay’adaha qaramada midoobay, midowga yurub iyo wufuud baddan oo ka kala socotay waddamada caalamka gaar ahaan waddamada Africa , Qorayaal, aqoonyahano, dhallinyaro, qurbo-joog, iyo naadiyayada akhristayaasha oo ka kala socday gobolada dalka iyo marti-sharaf kale.
Waxa madasha lagu soo bandhigay Buugaag aad u tira badan oo isugu jira kuwo ku qoran af Soomaali, iyo luuqadaha Ingiriisiga iyo Carabiga, kuwaas oo ku dherernaa mawaadiic xeel fog iyo ujeeddooyin sal ballaadhan, sida, buugaag ah, suugaan, taariikh, falsafad iyo dareenno la xidhiidha xaaladaha dhaqan-dhaqaale ee shalay illaa maanta.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO DHAMEYSTIRAN.
Khaalid Foodhaadhi
QJ/SDN: Hargeysa
Khaalidfoodhaadhi@gmail.com