|

“Waxa ay Dawladdani dirtay Farriin ah inaynu ka noqonay Goonni isu taaggii. Aniguna waan soo hubiyey ciddii bixisayna taariikhdaa sheegi doonta,……” Faysal Cali-waraabe.

Hargeysa:Jully,30,2015(SDN/QJ)Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng.Faysal Cali-waraabe, ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysa kusoo gunaanaday Shirweyne Axsaabta Mucaaridka u socday oo muddooyinkii ugu dambeeyey lagu lafo gurayey Xaaladda Guud ee Dalka.

faysal caliEng. Faysal waxa uu  ka dayriyey xaaladda Guud ee Dalka, waxana uu si toos ah u shaaciyey in Dunida dib ula noqotay dhaqaale tiro badan oo Somaliland loo qoondeeyey, iyadoo sababtuna tahay Habacsanaanta Doorashooyinka dalka ka qorshaysnaa ku timi.

Waxa uu Faysal Xukuumadda Kulmiye ku eedeeyey inay ku dhaqmayso dhaqanno ay hore ugu dhaliili jirtey xukuumaddii Rayaale, isla-markaana ay halkii hore baro dhaafisay, “inagu waxaynu nahay dad curdin ah oo haatan la yabyabayo, markaa haddaynu ku bilowno wixii Dawladihii inaga horreeyey baabi’yey waxa ay ila tahay in aanaynaan gaadhayn inaynu qaran dhisno, inta Dawladdan haatan haysataana waxa Dawladdii rayaale ku sheegi jirey Kulmiye. Inkastoo dhibaatooyinkani ka baaxadweyn yihiin kuwoo Daahir Rayaale.” Ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Faysal waxa uu sheegay in xukuumadda ay baxday farriimo ay sheegayso in laga noqday gooni isu taaggii hore loo goostay, isla-markaana uu isagu arrimahaas soo hubsaday, waxana uu yidhi,“Dib-dhaca Doorashooyinku waa wixii Daahir rayaale lagaga adkaaday, waxan imika  Aqallada Dhagxanta cas-cas lagu dhisaa waa ballamihii Xilligaas la ballan qaaday, laakiin qaran-dhiskii aad buu usoo gaabtay, waxana ay Dawladdani dirtay Farriin ah inaanu ka noqonay  Goonni isu taaggii. Aniguna waan soo hubiyey ciddii bixisayna taariikhdaa sheegi doonta, laakiin annagu waxanu u aragnaa inay tahay khiyaano qaran.”

Waxa uu Su’aal Ka Keenay Halka uu cimriga xukuumadda Kulmiye ku idlaanayo, isagoo intaas ku daray inay  Bulshada caalamka joojisay dhaqaale ay hore usiin jirey xukuumada Madaxweyne Siilaanyo,“Maanta ma garanayno Dawladdeena Cimrigeedu ma tii guurtidaa, Ma Tii saddexda Xisbi baa, Ma Tii Komishankaa. Murankaasina waxa lagu hakiyey dhaqaale badan oo Dawladda laga joojiyey, Dhaqaalahaasina Madaxda taaban maysee Shicibkay taabanaysaa.” Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.

Eng. Faysal oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi,“Haddii aanay Axsaabta mucaaridku ka raalli ahayn waxyaabaha socda caalamku lacag inama siinayo, waxana aynu jecellahay inuu ilaahay madaxweynaha soo nabadceliyo oo isagoo diirran oo shaqadiisa qabsanaya uu soo noqdo.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed