|

Madaarka Hargeysa Oo Laga Bilaabay Mashruuc Dadka Loogu Tahriibiyo Dalalka Yurub iyo Maraykanka iyo Cidda ku Lugta leh

Hargeysa:Jully,30,2015(SDN/QJ)-Garoonka caalamiga ah ee Cigaal International Airport, ayaa waxaa ka bilaabmay mashruuc si hoos hoos ah dadka loogu tahriibinayo, iyadoo dadkaasina isticmaalayaan baasaboorro tuugonimo ah oo aanay lahayn, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Shabakadda Haatuf.net.

kuunorMashruucan ganacsi ayaa waxa gadh-wadeen ka ah sida la sheegay maareeyaha madaarka Hargeysa Maxamed Yuusuf Ismaaciil, isagoo sida ay xogahani tibaaxeen ah shaqsiga ay jeebkiisa ku dhacdo lacagta ugu badan ee laga qaado dadka iyagu sharci-darada dalka kaga dhoofa, isla markaana arrintan ayaa waxa ka qaybgaata qaar ka mid ah hawl-wadeenada madaarka oo ay wada-shaqaystaan maamulaha.

Arrintan ayaa fadeexad wayn ku ah xukuumadda Somaliland, iyadoo ay guud ahaan arrintani ka hor imanayso nidaamka isku socodka dunida oo ay ka mabnuuc tahay inay dadku ku socdaalaan sharciyo iyo documents aanay lahayn isla markaana habdhaqanka cusub ee masuuliyiinta dawladu ku dhaqmayaan ayaa ceeb ku ah dawladnimadda Somaliland.

Sidoo kale maamulka madaarka Hargeysa ayaa dadka ay sida sharci-darada ah uga saaraan dalka waxa ay ka caawiyaan in loo sameeyo waraaqo iyo ID Cards foojari ah oo ay dadkaasi kasoo samaystaan shirkadaha daabacaadaha ee magaaladda Hargeysa, iyadoo document-yadaasi ay ka mid yihiin liisano, ID-yo laf ah oo loo ekaysiinayo kuwa dunida si qofka ay ugu fududaato inuu si dhibyar ugu maro madaaradda Dubai ama Adis-ababa oo ay inta badan sii maraan dadka Somaliland ka dhoofaa.

Maareeyaha Madaarka Hargeysa ee Egal International Airport Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa isaga sida ay xogahani sheegeen waxa u sii dheer mashruucan cusub sarifle wayn oo uu ka binneystay gudaha madaarka, kaas oo ay dadka ka dhoofaya garoonkaas ama kuwa kasoo degayaaba ay ka sariftaan lacagaha laga qaado ama kuwa ay wax kaga iibsadaan meheradaha ku yaala gudaha madaarkaasi.

Source; Haatuf.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed