|

Nin Dhawaan Dil u Geystay Libaaxii Adduunka Ugu Caansanaa Oo Laga Raadinayo Dalka Maraykanka Gudihiisa

Washington:Jully,30,2015(SDN/QJ)-Nin u dhashay dalka Maraykanka, ayaa si weyn loo raacdanaynayaa, kadib markii lagu eedeeyey inuu dil u geystay libaax kamid ah kuwii adduunka ugu caansanaa oo meelo badan looga soo daawasho tegi jirey.

ibrcDilka libaaxan Cecil ayaa waxaa uu ku bixiyay Walter Palmer lacago laaluush ah oo uu siiyay ilaalada xerada uu ku jirey libaaxa lacag dhan $50,000 (£32,000) iyadoo markii hore looga shakiyay in uu dilkan ka dambeeyay nin u dhashay dalka Spain.

Walter Palmer oo degen magaalo yar oo u dhow Minneapolis ayaa la sheegay in uu dilka libaaxa u isticmaalay fallaar kadibna maqaarka ka fiiqay kana jaray madaxa. Illaa hadda lama oga halka la geeyay madaxii libaaxan waxana dowlada Zimbabwe ay ka codsatay wadamada caalamka in la mamnuuca ka ganacsiga maqaarka iyo madaxa libaaxa.

Ugaadhsiga libaaxan ayaa la aaminsan yahay inuu dhacay 6-dii bishan July waxana uu ugaadhsadahan shiishka badan leh xilli habeenimo ah uu dhaawacay libaaxa, hase ahaatee 40 saacadood kadib ayuu ku dhamaystirey xabad.

“Waxa ay ku xidheen baabuurkooda kadibna ku jiideen iyagoo geeyay meydka libaaxa meel nus kiilomitir u jirta xerada uu ku jirey waxayna ku daadiyeen wax carfaya si aan loo dareemin urtiisa.”ayuu yidhi Rodrigues oo ah madaxa xerada lagu xanaaneynayay libaaxan.

 

Libaaxan oo la sheegay in uu ahaa 13 jir ayaa waxaa ku xirnaa qalabka loo yaqaan GPS kaasoo sheegaya halka uu joogo waxaana cilmi baadhis ku sameynayay Jaamacada Oxford. Afhayeen u hadlay Palmer ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay wixii dhacay balse uu haystey fasax ah in uu galo kana soo ugaadhsado xeradaa iyadoo ay la socdeen ilaalada xerada.

Hase ahaatee Palmer oo ah dhakhtar ilkaha ku takhasusay ayaa waxaa boggiisa facebooga lagu harqiyay eedeymo iyo cadho kulul waxaan saxiixay 12,000 oo ruux dad doonaya in caddaalada la horkeeno. Ninkan diley libaaxa caanka ahaa ayaa la sheegay in uu markii uu shan sano jireyba bilaabay ugaadhsiga waxana uu ka toogan karaa sida la sheegay kaadhka lagu ciyaaro turubka illaa 90 mitir.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed