|

Munaasabad ay Ku Qalinjabiyeen 551 Arday Dufcadii 10aad ee Ka Qalinjabisay Kuliyada Maaraynta iyo Adeega Shacabka oo Maanta Ka Dhacday Jigjiga.

Jigjiga,July-30-2015(QJ/SDN)-Laga soo bilaabo tan iyo intii ay Dalka ka curatay dimoqraadiyada cadaalada,sinaanta iyo wadanoolaanshaha shucuubta iyo qowmiyadaha itoobiya ee ka dhashay halgankii ay dhiigooda u hureen Geesiyadii EPRDF xukunkana kaga tureen kaligii taliskii Mingistu,waxaa sanadba sanadka ka sii danbeeya DDSI oo ka aradnaan jiray dhamaanba adeegyada aasaasiga ah ku soo badanaya ardayda ka kala qalinjabinaysa Jaamacadaha iyo Kuliyadaha halka ay dugsiyada sare,Hoose,dhexe iyo kuwa AB oo dhamaanba gobolada iyo degmooyinka uu deegaanku ka kooban yahay ay ka jiraan dugsiyada waxbarasho ilaa heer Dugsi sare.

002Mngt

Dhanka kale iyadoo ay magaalada jigjiga ka jiraan Hal jaamacad iyo 14 kuliyadood oo isugu jira kuwo ndawli ah iyo kuwo aan ahaynba waxaa la dhagax dhigay sanadkan dabayaaqada ah jaamacada Qabridahar,iyo labo kuliyadood oo la dhagax dhigay magaalada dh/buur iyo shiniile kuwaasoo kaalin muhiim ah kaga jira fursadaha dimoqraadiyadeed ee waxbarashada DDSI. Hadaba waxaa labadii bilood ee ugu danbaysay Magaalada jigjiga ka socday qalinjabinta ardayda heerarka takhasuska waxbarasho ku dhamaysatay jaamacada iyo kuliyadaha kala duduwan.

002Mngt1

Hadaba waxaa manta ka dhacday machadka maaraynta xaflad si meeqaam sare ah loo soo agaasimay, oo ka dhacday hoolka shirarka ee kuliyada, waxaana ka soo qaybgalay qaarka mid ah masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI oo ay ka mid yihiin, madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI lehna awooda madaxwayne ku xigeen mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi, wasiirka adeega shacabka iyo kobcinta awooda maamulka DDSI marwo Maajida Maxamed maxamuud,wasiirka arimaha haweenka caruurta iyo dhalinyarada DDSI marwo raxma suldaan maxamuud haybe maareeyaha kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI mudane ahmed xabiib, ku xigeenka wasiirka xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane cabdirisaaq saxane, wasiirka horumarinta waraabka iyo dooxooyinka DDSI mudane suldaan khayre iyo masuuliyiin kale.

Waxaana, ugu horayntii ka hadlay xafladaasi qalin jabinta madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI lehna awooda madaxwayne ku xigeen mudane cabdicasiis maxamed cabdi oo ugu horayntii si diiran ugu hanbalyeeyay ardaydan qalin jabinaysa una mahad celiyay maamulka kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka. Wuxuuna, ka warbixiyay mudane cabdi casiis in si loo xaqiijiyo himilooyinka horumarineed iyo hirgalinta qorshayaasha koboca dhaqaalaha in markasta ay xukuumada DDSI iyo XDSHSI dadaal xoogan ugu jiraan soo saaritaanka iyo awood siinta cududa waxbaratay oo hanan karta hawlaha hirgalinta qorshayaasha horumarineed. Wuxuuna masuulku tilmaamay in xukuumada dadaalka saartay sii xoojinta kuliyada ka jira deegaanka kuwaasi oo soo saara cudud waxbaratay, wuxuuna ku booriyay ardaydan manta qalin jabisay in ay ka soo baxaan kaalintooda ku aadan hirgalinta hawlaha horumarka.

002Mngt1.1

Wasiirka adeega shacabka iyo kobcinta maamulka DDSI marwo maajida maxamed maxamuud oo ka hadashay xafladaasi qalin jabinta oo u hanbalyaysan qalibiyayaasha ayaa tibaaxday guulaha ay xukuumada DDSI ka soo hoysay sanadihii ugu danbeeyay soo saarida cududa waxbatay oo hirgalisa fulinta hawlaha horumarka ardaydan manta qalin jabisayna si wayn u sii karaar galinayaan sii xoojinta cududa shaqaalaha waxayna ku boorisya in ay sii wataan waxbarashadooda. Maareeyaha kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI mudane axmed xabiib oo ka hadlay xafladaasi ayaa si qoto dheer uga warbixiyay taarkhiida kuliyada ilaa xiligii la aas aasay isbadaladii ay soo martay iyo heerka ay manta taagan tahay, wuxuuna sheegay in kuliyada soo saarto cudud waxbaratay oo tayo iyo tiraba leh sii xoojisana garaadka siyaasadeed iyo awooda fulineed ee masuuliyiinta iyo shaqaaha heerar kooca kala duwan, wuxuuna sheegay in tirade manta ka qalin jabisya kuliyada dhan yihiin 551 kuwaasi oo ay 50% ay haween yihiin taasina ay muujinaysa ka qaybgalka haweenka ee dhianca waxbarashadu in ay sarayso.

002Mngt1

Waxaa kale oo ka hadlay xafladaasi wasiir ku xigeenka xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane cabdirisaaq saxane oo sheegay in ay xafladni ku soo beegan tay xili guud ahaanba dalkeenu guulo wax ku ool ah ka soo hooyay qorshayaashii horumarineed gaar ahaana dhinaca waxbarashada kor loo qaaday.

 

Ugu danbayntii waxaa xafladaasi lagu gudoon siiyay abaalmarino ardaydii gashay gaalmaha hore taasi oo ay gudoonsiiyeen madaxa xarunta dhexe lehna awooda madaxwayne ku xigeen mudane cabdicasiis maxamed iyo wasiirka adeega shacabka iyo kobcinta maamulka DDSI marwo maajida maxamed

Comments are closed