Madaxweynaha Soomaaliya Oo Goordhaweyd Furay Shir Looga Hadlayo Hiigsiga Cusub. Daawo Sawiradda
Muqdisho,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa goor-dhaw furay shirweynaha Hiigsiga 2016-ka oo ka dhacaya Muqdisho, kaasoo ay ka Qayb-galayaan Xubno ka mid ah Dowladda iyo Dalalka Daneeya Arrimaha Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa halkaas ka jeediyay khudabadii furitaanka, isagoo shirka ay ku sugan yihiin xubno ka socda Beesha Caalamka, Urur-goboleedka IGAD, Ururka Midowga Afrika iyo Maamul Goboleedyada Dalka ka jira Qaarkood
Dhammaan xubnaha ka Qaybg-alaya Shirkan ayaa waxay daqiiqad u istaageen dadkii ku dhintey weerarkii dhawaan lagu qaaday Hoteelka Jazeera ee Muqdisho iyo dilalkii loo geystay xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya.
Shirkan waxaa hadal ka jeedin doona mas’uuliyiin dhowr ah, waxaana shirka si Wadajir ah u Guddoominaya Madaxweyne Xasan Sheekh yo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Somalia, Danjire Kay.
Wixii warar ah ee kasoo kordha shirkaasi dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa insha Allaah.