‘’Maanta ma garanayno wakhti doorashooyin ka dhacaan Somaliland….” Gudoomiye Cirro
Hargeysa,29july,2015(QJ/SDN)-Gudoomiyaha xisbiga mucaarid ah ee waddani Cabdirraxmaan Cirro oo khudbad ka jeediyay madashii lagaga dhawaaqayay go’aamadii kasoo baxay shirkii maalmahanba u socday mucaaridka Somaliland ayaa sheegay in shirkan maanta go’aamadiisa lagu dhawaaqayo aanu ahayn mid qarankan lagu dibindaabyeenayo ee uu ahaa shir laga soo jeedinaayo talooyin lagaga baxo marxaladda adag ee uu dalku ku jiro waa sida uu hadalka u dhigaye. ‘’ shirka sida idiinka muuqata intii uu socday iyo sida idiinka muuqata go’aamadiisaba muu ahayn shir lagu dibin daabyeenayo Somaliland, waxa uu ahaa shir laga soo jeedinayo talooyin laga baxo marxaladda adage e aynu ku jirno’’ ayuu yidhi Gudoomiye Cirro
Gudoomiye Cirro ayaa quus ka muujiyay in Somaliland doorasho ka dhacdo, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi ‘’Maanta ma garanayno wakhti doorashooyin ka dhacaan Somaliland , waxa fiicnaan lahayd malaha inay ugu dhiirato sida xukuumadda xamarba’ ugu dhiiratay, ee ay tidhi doorashooyin qabsoomi kari maayaan ee aynu talo qaran iskuugu nimaado, Waxaan leeyahay madaxweyne haddii ay kaa go’aantahay in aad doorashooyinkii laashay sida hadda muuqata, dadka iskuugu yeedh talo qaran oo mushkiladaa laga hadlo’’
Geesta kale mudane cirro waxa uu ka hadlay siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland, isagoo sheegay in xukuumaddu ka gaabisay siyaasadda arrimaha dibedda gaar ahaan shirarka hadda ka soconaya magaalada addis-ababa ee xarunta qaramada afrika.
Si kastaba ha ahaatee shirkii talo-qaran ee mucaaridka Somaliland maalmahanba uga socday Hotel-dalxiis ee magaalada Hargeysa ayaa maanta soo gabagaboobay, iyadoo halkaasi go’aamo laga soo saaray.
Khaalid Foodhaadhi
QJ/SDN: Hargeysa
Khaalidfoodhaadhi@gmail.com