Madaxweynaha Jabuuti oo culeys kaga yimi reer galbeedka dabadii Mucaaridka ka codsaday wadahadaladii in dib loo bilaabo
Jabuuti July 28,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha dalka Jamhuurida Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa ka dalbaday dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN in ay dib ugu soo noqdaan wadahadaldii hore u dhicisoobay.
Sidaa waxa uu madaxweyne Geelle ku sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jabuuti oo nuqul ka mid ah uu na soo gaaray.
Hadalka dalabka ka soo yeeray madaxweyne Geelle ayaa ku soo beegmaya xili ay soo baxayaan hadalo isa soo taraya oo tibaaxaya in madaxweynaha culeys lagu saaray dhaqan gelinta heshiisyo uu hore ula galay Mucaaridka Jabuuti.
Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle ayaa lagu waday in uu Adis Abab kula kulmo Madaxweyne Barak Obama balse arintaa Ayaan suurto gelin.
Waxa isna booqasho laba cisho ah ku yimi dalka Jabuuti Wasiirka Difaaca Faransiiska Jean-Yves Le Drian.
Waxyaabaha laga wada hadlay ayaa waxa ka mid ahaa in Faransiisku damacsan yahay in kala ciidamadiisa ku sugan Jabuuti ay dalka ka baxayaan.
Xukuumada Ismaciil Cumar ayaa ka cabatay burburka dhaqaale ee arinkaa ka iman karaya.
Xeel dheereyaasha ayaa sheegaya tilaabadan ay dawlada Faransiisku ku dhimeyso ciidamadeeda kaga sugan Jabuuti in ay tahay cilaaqaadka labada dhan oo sii xumaanaya.
Si kastaba ha ahaatee Mucaaridka Jabuuti ayaa dhaleeceeyay dhaqan gelin la’aanta heshiisyadii hore ay ula galeen xukuumada, isla markaana ka fiirsanaya in ay wadahadal danbe la galaan xukuumada Madaxweyne Geelle.
SDN/QJ-Jabuuti