“Anigu Saylici markii uu meesha imanayey talaan siiyey, waxana aan ku idhi ogow ninka madaxweyne-ku-xigeenka ahi waxa uu meesha ku bartaa..”Axmed Y. Yaasiin
Hargeysa:Jully,29,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaaasiin, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay khilaafka soo noqnoqday ee u dhexeeya Madaxweyne Siilaanyo iyo Ku-xigeenkiisa Saylici oo haatan la sheegayo inay isku dhacsan yihiin.
Axmed Yuusuf Yaasiin oo u warramay Telefishanka Star Tv, ayaa sheegay inaan loo baahnayn in khilaafka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu aanay dibadda usoo bixin oo si qarsoodi ah loo dhammeeyo.
Mudane Yaasiin waxa uu sheegay in Kursiga ku-xigeenku yahay meel dulqaadka lagu barto, isla-markaana tallooyin badan uu siiyey Saylici ka hor intii aanay kursiga si rasmi ah ula wareegin, “Anigu Saylici markii uu meesha imanayey talaan siiyey, waxana aan ku idhi ogow ninka madaxweyne-ku-xigeenka ahi waxa uu meesha ku bartaa samirka, Riyaale waxa uu halkaas ku gaadhay Samir, aniguna ku-xigeen baan ahaa oo waxan ku soo gudbay Samir” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.
Axmed Yuusuf Yaasiin, Madaxweyne-ku-xigeenkii hore Somaliland oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in madaxweynaha kalsoonida iyo ragganimada lihi ku-xigeenkiisa shaqooyinka u fasaxo, isagoo tusaale u soo qaatay dhaqankii marxuum madaxweyne Cigaal, waxana uu yidhi,
“Aniga iyo Riyaale Khilaafkayagu ma badnayn oo waxa uu ahaa nin dulqaad badan oo xataa hadday jireen xafiiskaa lagu xalin jirey. Labada masuul ee dalka ugu sarreeyaana xataa haddii ay iskhilaafaan waa inay xafiiska ku dhamaystaan. Madaxweynaha isku filan ee caqliga lihi waa madaxweynaha ku-xigeenkiisa u dhiiba shaqo. Cigaalba Cabdiraxmaan waxa uu u dhiibay Wasiirka Difaaca, maadaama oo uu ahaa nin aad iskugu kalsoon. Si aanu wax khilaaf ahi u imanna waa in madaxweyne-ku-xigeenka la mashquuliyaa.”
Hadalka Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka dambeeyey warar isa soo taraya oo sheegaya inuu jiro khilaaf cakiran oo u dhexeeya Madaxweyne Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisa, kaas oo salka ku haya inuu madaxweynuhu fulin waayey heshiiskii uu dhawaan Mucaaridka la galay oo aan halkii laga qaadin wali.
SDN/QJ