|

4-Waxyaabood Oo Lagu Xasuusan Doono Booqashadii Madaxweyne Obama Ee Magaalada Nairobi Maalintii Jimcaha

Nairobi:Jully,25,2015(SDN/QJ)-Waraahinta Adduunka ayaa si weyn u hadal haysa Safarka Madaxweyne Obamaha Maraykanku ku tegay Dalka Kenya, waxana la diiwaangeliyey Dhacdooyin soo jiitay Dadkii Safarkaas wararkiisa u jeellanaa.

OBOMSafarkani waxa uu Maalintii jimcihii habeenkii ka dambeeyey iyo maalintii sabtidii shalayba saamayn weyn ku yeeshay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, iyadoo inta Badani noloshii magaalada dhinac kale u janjeedhsatay.

Ammaanka Magaalada Nairobi si weyn ayaa loo adkeeyay, Garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee Magaalada Nairobi duulimaadyadii waa la joojiyay saacadihii la sugaayay Obama, waxaana ammaanka guud ee garoonka la wareegay ciidanka FBI ee Mareykanka oo wata Ey u tababaran urinta waxyaabaha qaraxyada ka sameysan.

Waxyaabaha sida gaarka ah Safarka Obama loogu xusuusan doono gaar ahaan Maalintii jimcaha, ayaa waxa kami dah :

1:Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto looma ogolaan inuu garoonka tago oo uu gacan qaado Obama (waxaa la leeyahay arrinta maxkamada ICC darteed ayaa looga celiyay).

2) Xogheynta gaarka ah ee Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ninka lagu magacaabo Jomo Gecaga ayaa buuq ka dhashay kadib markuu “TAABTAY” Baabuurka gaarka ah ee Obama ee lagu magacaabo “The Beast” kaasoo dhex taagnaa garoonka diyaaradaha JKIA.

3:in Salaaddii Jimcaha maalintii dorraad ee Magaalada Nairobi masaajidada ku dhaw wadooyinka la xidhay in lasoo hormariyay waqtiga salaadda oo dadku ay tukadeen 1:00 Duhurnimo, halkii la dukan jiray marka hore 1:30 Duhurnimo, sababo ku aadan wadooyinka oo la xidhaayey 2:00 Duhurnimo si dadku aanay ugu dhibtoon.

4: Madaxii Amniga Garoonka Diyaaradaha ee Nairobi oo lagu dhex-baadhay Garoonka Diyaaradah Kenya, Saraakiil ka tirsan FBI ayaa baadheysay sida shaashaduhu baahiyeen.

Markii Obama uu kasoo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Nairobi, waxaa soo dhaweysay gabadh yar oo loo dhiibay Ubax aad u qurux badan, kadibna Obama wuxuu gacan qaaday Uhurru Kenyatta, intaasi kadib ayaa Obama wuxuu xabadka geliyay walaashiis oo ay isku aabo yihiin oo Garoonka dadkii ku soo dhaweeyay ka mid ahayd.

 

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed