|

Socdaal Shaki Badan Xukuumadda Geliyey Oo Ay Markale Samaale Iyo Abiib Timo-cad Ugu Baxeen Dalka Kenya

Hargeysa:jully,25,2015(SDN/QJ)-Waxa socaalkoodii labaad muddo bilo gudahood ah Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya ugu amba baxay Wasiirradii hore ee Wasaaradaha Maailiyadda iyo Warshadaha Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Abiib Diiriye Nuur, waxana,iyadoo xaan xogo badan laga haynin ujeeddada socdaalkaas.

samaale iyo abiibWasiiradan hore ee Maaliyada iyo Warshadaha oo hore iskaga casilay xilalkii ay ka hayeen Xukuumada, ayaa safarradooda waxa il gaar ah ku eegaysa xukuumadda  ay sida iskood ah uga tageen, waxana aan wali si rasmi ah loo helin sababaha keenay inay iyagoo wada socda halkaas ku noqnoqdaan.

Inkastoo xogaha kaliya ee safarkaas laga hayaa sheegayaan inay ballamo gaar ah oo ay la lahaayeen Safaaradda Maraykanku halkaas ku leeyahay xilligoodii la gaadhay, haddana waxa jira shaki sheegaya inay halkaas ka dhigteen xarun ay kusoo maleegaan dabinno siyaasadeed oo ay kula ku  hirgelinayaan Hanka musharraxnimo ee Samaale oo muddooyinkii ugu dambeeyey si weyn usoo shaac baxayey.

Waa markii labaad ee Nooceeda ah oo ay socdaal noociisa ah ugu baxaan dalka Kiiniya Wasiiradii hore ee Maaliyada iyo Warshadaha  Cabdicasiis Maxamed Samaale, iyo Abiib Diiriye Nuur iyagoo labadan Siyaasi hore uga mid ahaan jireen Wasiirada ugu culus ee katirsan Golaha Xukuumada, qeyb ka ahaa raga ugu loolanka adag ee Xisbiga Kulmiye dhexdiisa iyagoo kasoo wada jeeda Gobolka Gabiley,oo badi ragii mudakarka ahaa ee Golaha Xukuumada kaga jirey Gobolkaasi intoodii badneyd banaanka ka joogaan.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed