|

Mudane Katisan Guurtida Oo Si Weyn Uga Soo Horjeestay Afheen-nimada Xildhibaan Indho-indho, Guddoomiye Saleebaan-na Eedeeyey

Hargeysa:Jully,26,2015(SDN/QJ)-Maxamuud Maxamed Yaasiin(Dheeg)oo kamid ah Mudanayaasha Aqalka Odayaasha Guurtida Somaliland, ayaa si weyn udeedafeeyey sharcinimada Afhayeen-nimo dhawaan soo bax ah oo uu sheegtay Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo isla golahaas ka tirsani.

dheegXildhibaan Dheeg oo Sabtidii shalay Saxaafadda qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in Sharciyan Afhayeenka Golaha Guurtidu uu yahay Guddoomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan, isla markaana haddii uu waajibaadkiisa shaqo gudan kari waayo aanu sharci u lahayn inuu isagu cid kale sii magacaabo, balse uu sharcigu dhigayo in Goluhu Guddoomiye (Afhayeennimo) u doorto cid kale oo shaqadaas gudan karta.

Waxa uu Xaaraan ku tilmaamay Xildhibaan Dheeg in Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan oo ka tirsan Mudanayaasha Guurtida sheegto inuu yahay Afhayeenka Golaha Guurtida uu u magacaabay Guddoomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal). Waxa uu Md. Dheeg ugu Baaqay Saxaafadda gudaha ee Somaliland inay Sharciyan hubiyaan xilkaas intaanay aqoonsan inuu Afhayeen yahay Xildhibaan Indha-indho.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed