|

“Maalintii umadda la xasuuqayey ma filayo qof kastoo damiir leh oo Borama joogaa inuu Raalli ka ahaa in yaroo oo laga yaabo inay nidaamkii u shaqaynaysay mooyaane”Wasiir Xirsi

Hargeysa:Jully,26,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, reer Borama kala hadlay xaasaasiyad ay inta Badan ka qaadaan taariikhda Ururkii SNM iyo halgankii Hubaysnaa ee Somaliland Xorriyadeeda dib  ugula soo noqotay.

xirsigaWasiirka oo ka Hadlayey munaasibad loo qabtay Arday dhawaan ka qalinjabisay Jaamacadda Elo ee Magaalada Borama, ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii Reer Borama umuujin lahaayeen inay Reer Somaliland intooda kale wax la yeeshaan oo ay ka baxaan is-giijinta lagu xanto.

Wasiirka oo Odayaal iyo waxgarad halkaas fadhiyey khudbad uu arrintaas kaga hadlayey u jeedinayey ayaa waxa uu yidhi, “waxan had iyo jeer arkaa reer Borama oo dib isu taagaya oo dib isu giijinaya. Waxana arkaa iyadoo laga hadlayo metelan taarikhihiii ama SNM ama dhacdooyinkii Xasuuqii uu geystay Taliskii Siyaad Barre oo laga yaabo qaarkiin  inay moodaan in loogu hanjabayo ciddii taliskii  siyaad barre taageeri jirtey ujeeddaduse sidaas ma aha.”

Wasiirka Xirsi ayaa sheegay in taariikhda iyo dalkaba la wada leeyahay, isla-markaana reer Borama ogaadaan in shacabka kale ee Reer Somaliland ogyihiin inaanay raalli ka ahayn xasuuqii loo geystay,

“Ujeeddadu waa umad baynu isku  nahay dal wada deggen, qoomiyad meel kasoo wada jeedda marka horena ciriqa walaalnimadu meel ka wada dhashay, dawladnimada iyo siyaasadda madaxtinimadeeda ayeynu wadaagnaa, taas markaynu wadaagno dhib kasta oo umadda soo martay waa wax umaddu wadaagto, markaa taariikhdii umaddu wada lahayd maalintii umadda la xasuuqayey ma filayo qof kastoo damiir leh oo Borama joogaa inuu  Raalli ka ahaa in yaroo oo laga yaabo inay nidaamkii u shaqaynaysay mooyaane oo qaar lamid ahi Hargeysa iyo Burco-ba joogeen.” Ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Isagoo Hadalkiisii sii wata, ayuu wasiir Xirsi sheegay inaan shacabka Borama loo nisbayn Karin dhibaatooyinkii siyaad Barre Geystay, isla-markaana loo baahan yahay inay maanka ku hayaan in taariikhdii SNM tahay mid lagula garnaqsanayo Soomalida Koonfureed, waxana uu yidhi,

“waxan hubaa in reer Borama intooda badani kasoo horjeedeen in shacabka la laayo. Haddaba marka la xusayo taariikhda gudaheena isku sheegan maynee cidda loo sheeganayaa ee lagula garnaqsanayaa waa Somalia waana in ka Borama jooga iyo ka laascaanood joogaa sheegto, mana qabo in dadka beesha dhexe ka soo jeedaa ay taariikhdaas reer Borama ka sheegtaan.”

Hadalka Wasiirka, ayaa imanaya xilli inta Badan shacabka Reer Borama ka biyo diidaan Taariikhda Ururkii Hubaysnaa ee SNM, isla-markaana ay badka keenaan Hantaaqooyin ay sheegaan in Ururkaas laftiisu ugeystay Reer Borama.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed