Alshabaab Oo Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya Muqdisho ku dishay.
Muqdisho,25july,2015(QJ/SDN)-Xildhibaan, C/llaahi Xuseen Maxamuud Muuse Bantu oo ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa Goor-dhoweyd lagu dilay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, iyadoo dilkiisa ay sheegatay Al-shabaab.
Kooxo hubeysan ayaa dilay Xildhibaanka, kuwaasoo baxsaday, iyadoo xilka loo dhaariyay inta lagu jiro kal-fadhigan lixaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii Aabbihiis Xuseen Bantu oo xildhibaan ahaa uu ku geeriyooday Muqdisho.
Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in xildhibaanka ay dileen xoogaggooda ku sugan Magaalada Muqdisho, iyadoo ku goodiyay inay toogan doonaan xildhibaanno kale oo Baarlamaanka Somalia ka tirsan.
“Waxaa dilka xildhibaankan fuliyay Ciidamadeena ku sugan Muqdisho, waan sii wadaynaa beegsiga xildhibaannada baarlamaanka Somalia oo dhan, waayo waxay faafiyeen sharciyo aan ahayn kuwa Islaamka,” ayuu yidhi Afhayeen u hadlay Al-shabaab.
Dableyda dilka Xildhibaanka Geystay ayaa la sheegay inay wateen gaadhi markii dilku uu dhacayna ay goobta ka baxsadeen, mana jirto cid loo qabtay dilkiisa, iyadoo Hay’adaha Amniga Dowladda Somalia aanay weli wax war ah kasoo saarin dilka xildhinaankan.
Sidoo kale, dilka Mudanahan ayaa wuxuu imanayaa iyadoo kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay saaka ku toogteen degmada Dharkeynley Sarkaal ka tirsanaa Xafiiska RW Somalia.