Shirweynihii Mucaaridka Somaliland Oo Maanta Furmay Iyo Magacyada Xubnaha Shirguddoomin Doona Oo La Shaaciyey
Hargaysa:Jully,25,2015(SDN/QJ)-Waxa Maanta Hutel Dalxiis ee Magaalada Hargeysa Ka Furmay Shirkii wada-tashiga ee Labada Xisbi Mucaarid ku baaqeen, kaas oo maalmahan dambe muran badani ka taagnaa markii xukuumaddu si weyn uga soo horjeedsatay.
Shirkan ayaa waxa kasoo qaybgalay Hoggaanka sare ee Xisbiyada Waddani iyo Ucid, Hoggaanka Madasha Wada-tashiga iyo toosinta qaranka, iyadoo sidoo kale ergooyin miisaan leh oo labada xisbi ka socdaa halkaas ku sugnaayeen.
Hadallo salka ku hayey ujeeddooyinka guud ee shirkaas iyo midhaha laga filayo ayey hoggaanka Mucaaridku halkaas ka jeediyeen, waxana ay hoosta ka xarriiqeen In lagu qiimaynayo xaaladda Guud ee Dalka.
Guddoomiyaha guddida shir guddoominaysa shirka Mucaaradka Aqoon yahan Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa sharaxay Ajandaha shirka waxaanu sheegay in lagu qiimaynayo arrimaha dalka ka taagan.“Waxaa Lagaga hadli doonaa Sixir bararka, waxaa lagaga hadli doonaa Qiimaynta sharciga dalka, waxaa lagaga hadli doonaa hogaan la’aanta, waxaa lagaga hadli go’doonka siyaasadeed iyo qaddiyadda Somaliland, waxaa lagaga hadli xaaladda amniga, waxaa kale oo lagaga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha shirku.
Cabdirashiid waxa uu sheegay in shirku socon doono galinka dambe ee maanta, bari oo la filayo in la soo gabogabeeyo galinkiisa dambe, haddii kalena lagu dari doono maalin dheeraad ah.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa furitaanka shirka ka hadlay waxayna sheegeen in kulanka laga filayo talooyin wax ku ool ah oo wax lagaga qabto arrimaha dalka, islamarkaana aanu noqon doonin mid cidna lagu bartilmaameedsanayo.
Labada maalmood ee soo socda ayaa la filayaa inuu shirkii sii socon doono, iyadoo la filayo in laga soo saaro qoddobo xaaladda guud ee dalka ku aaddan.
Magacyada Shir gudoonka Shirka
1.Cabdirashiid Xasan Mataan Guddoomiye
2. Maxamed Cismaan Yuusuf(Is-xal).
3.Cali Axmed Cabdiqaadir(Cantar)
4. Cabdiqaadir Yuusuf Cismaan(Qodax)
5.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde
6. Xildhibaan Ibraahin Rayte.
SDN/QJ