Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Saaka Dalka Kusoo Laabtay,Madaxda Mucaaradka Oo Si Diiran Usoo Dhaweeyay+Daawo Sawiradda
Hargeysa,25july,2015(QJ/SDN)-Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo todobaaddadii ugu danbeeyay ku sugnaa Dalka Imaaraadka Carabta ayaa saaka subaxnimdii hore ka soo dagay Gegida Diyaaradaha ee Hargaysa Airport .
Gudoomiyaha ayaa waxa madaarka kaga Hor tagay kuna soo Dhaweeeyay Masuuliyiinta isbahaysiga Mucaaradka Somaliland oo ay hor kacayeen Gudoomiyaha Xisbiga Waddani C/raxman Cirro , Gudoomiyaha Madasha Wada tashiga iyo toosinta somliland Muj Xasan Guure sidoo kale waxaa iyana soo dhaweenta qeyb ka ahaa Masuuliyiinta Xisbiga Ucid oo uu horkacayay Murashaxa Madaxweyne ku Xigeen C/rashiid Xasan Mataan .
Gudoomiyaha oo warbaaahinta kula hadlay Qolka Nashada ee Madaarka ayaa ka hadlay Xaaladda Guud ee Dalka gaar ahaan Xiisadda Siyaasadeed ee oogan dalka .