Dhibbanayaal Ku Waxyeelloobay Weerar Hore Loogu Qaaday Safaaradda Maraykanku Ku Leeyahay Nairobi Oo Obama Ka Dalbanaya Mag-dhaw
Nairobi:Jully,25,2015(SDN/QJ)-Shakhsiyaad dhibbanayaala u ah Weerar hore loogu qaaday Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, ayaa Maanta u balansan inay Madaxweyne Obama Hortiisa ka muujiyaan Cabashadooda la xidhiidha mag-dhawgii ay xaqa u lahaayeen.
Dadkan oo isku diyaarinayay in ay mudaharaad ka sameeyaan afaafka hore ee goobta xasuustii weerarkaasi ayaa ka cabanaya in aan waxba laga qabanin dhibaatooyinkii ay weerarkaas ka dhaxleen.
Dhawaaqooda ayaa kusoo aaday xili madaxweynaha Mareykanka Barack Obama uu maalintii shalay booqasho ku imi dalka, isagoo ka hadli doona arimo badan oo ay ka mid tahay xuquuqda aadanaha.
Dhibanayaashan ayaa wacad ku maray in Obama ay u muujin doonaan waxa ay ku tilamaameen dayacaada ay ku sameeyeen labada dowladood ee Kenya iyo Mareykanka.
Gudoomiyaha urur ay ku bahoobeen dhibanayaasha weerarkii safaarada Mareykanka ee Nairobi Mr Charles Ngige, ayaa sheegay in sawaxanka ku aadan soo dhaweynta Obama ay qarisay cabashooda, hase ahaatee ay codkooda sare u qaadi doonaan.
Waxa uu intaas ku daray in ujeedadoodu ay tahay sidii booqashadaan ay u noqon lahayd mid dhibkooda lagu xaliyay maadaama ay dayacmeen.
Dowlada Mareykanka ayaa hore magdhow u siisay milkiilayaasha dhismaha safaaradda iyo shaqaalihii ka howlgali jirayba
SDN/QJ