“Dhakhtarkaygii waxa uu igu yidhi Sannad halla kulmin dad intan le’eg, laakiin dantaa keentay inaan idiin imaaddo si aan u taageero Go’aankaas ilaahay Waafajiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare…”Sheekh Aadan Siiro
Hargeysa:Jully,25,2015(SDN/QJ)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey(aadan-siiro)oo kamid ah Culimada Waaweyn ee Somaliland, ayaa si weyn usoo dhaweeyey Go’aankii uu dhawaan Khilaafkii xukuumadda iyo Xisbiyada kasoo saaray Guddoomiyaha Da’da yare e Maxkamadda Sare ee Somaliland.
Sheekha ayaa gebi ahaanba Khudbaddii jimacaha ee Maalintii shalay uu ka jeediyey Masaajidka Xaafadda Xawaadle ee Magaalada Hargeysa, waxana uu go’aankaas ku tilmaamay mid geesinimo leh oo aqoon badani ka muuqatay, “khudbadda waxanu ka samaynay inanka dhallinyarta ah ee Guddoomiyaha ka ah Maxkamadda Sare ee Somaliland uu shalay si dhexdhexaadnimo leh oo khayr leh oo cilmi iyo aqoon iyo danayn dadka la danaynayaa ku dheehnayd, ayey khudbaddu sii adkaynaysaa oo taageeraysaa.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.
Sheekha oo hadalkiisa sii, ayaa sheegay in go’aankaasi yahay mid lagu farxo oo uu gaadhay qof umaddiisa u war hayaa, waxana uu yidhi,“ilaahay waxaynu ku mahadinaynaa wiil dhallinyar oo aqoon leh oo aan iska soo toosin oo og waxa maanta jira iyo waxa la kala macaashayo, inankaas ilaahay xaqa ha garansiiyo oo garabkiisa ha galo.”
Waxa uu sheegu sheegay in wannaagga Go’aankaasi leeyahay uu isaga ku keenay inuu jabiyo talo dhakhtarkiisu siiyey oo ahaa inaanu dad tiro badan la kulmin, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi
“Dhakhtarkaygii waxa uu igu yidhi Sannad halla kulmin dad intan le’eg, laakiin dantaa keentay inaan idiin imaaddo si aan u taageero Go’aankaas ilaahay Waafajiyey ee KHayrka leh, waayo Khayrka oo dhan ayaanu taageeraynaa ciddii doontaa ha wadatee.”
Sheekh Aadan Siiro, ayaa kamid ah dadka sida weyn usoo dhaweeyey Go’aankii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare dhawaan Gaadhay, iyadoo Bulshada inteeda badanina sidaas oo kale soo dhaweyn weyn ku qaabileen.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com