|

DOODII MASUULKA XISBIGA WADDANI IYO ANAGA EE MAANSOOR

10478354_1023080777718308_4837600643476963771_n

Wali waxa aan ku guda jiraa cilmi-baadhis iyo xog urruurin ku saabsan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada oo aan ka wado Somaliland. Safarkaygu waxa uu daaran yahay in aan u kuur galo, isla markaana si dhab ah wax uga ogaado Xaaladdaha aan kor ku xusay. Laakiin waxa aan ka cudur daaranayaa in aanu maqaalkani xidhiidh la lahayn cilmi-baadhista kor ku xusan, ee kaliya yahay maqaal xog waran iyo ifafaalo siyaasadeedka wacyiga dalka wax ka tilmaamaya. Waxa aan xaley Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa kulan kadis ah oo xog-waraysi ah kula yeeshay mid ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Siyaasadda ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI. Kulanka waxa igu wehelinayey laba aqoonyahan oo si weyn siyaasadda Somaliland ugu xidhan, isla markaana aad looga yaqaan bulshadda dhexdeeda oo ka cudur daartey in aan magacooda halka kan ku shaaciyo.

 

Labada aqoonyahan waxa ay si daran-doori ah su’aalo u waydiiyeen Sarkaalka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI. Su’aalahan guntoodu waxa ay daarnaayeen xaaladda doorasho ee dalka iyo shirka heer Qaran ee ay ku baaqeen. Halka aan anigu lahaa bilawga sheekadda iyo laba su’aalood oo aan u arkayey in aaney marnaba iswaydiin dadka Reer Somaliland intooda taageersan shirkan iyo Axsaabta Qaranka ee leh abaabulka shirka aan marnaba sharciyadiisu cadeyn. Waxa kale oo ay su’aal wayni ka taagan tahay Madasha Wada-tashiga oo aan marnaba lahayn sharciyad ay shir Heer Qaran ah ku qaban karaan oo haddana gadhwadeen ka ah shirka sharciyadiisa aaney meelnaba dastuurka iyo shuruucda dalka kaga oolin.

 

Ka hor inta aanu shirkayagan dooda isku beddaley bilaabmin ayaan shakhsiyan waydiiyey masuulka sida ay ka yeeleen dhaawacii ka soo gaadhey afartii masuul ee ka baxay Xisbigooda, iyo in ay wali dhaawacii dhayeen iyo in kale. Waxa uu iigu jawaabey masuulku isaga oo aad u qoslaya; “dhaawacaa dhaymo degdeg ah ayaan la gaadhney, intaana waa la is dhaawacayaa, anana waan dhayeynaa oo waliba ka fikiraynaa in aanu dhaawac la mid ah gaadhsiino qolooyinka dawladda iyo Xisbiga KULMIYE oo ah ka weerarka nagu soo qaadey’’. Jawaabtaa masuulka ayey dabadeed ka bilaabantey doodii adkayd ee aanu xaaladda dooroshooyinka iyo muddo xileedka Wakiiladda iyo Madaxtooyadda ku gorfayney anaga oo saddex ah iyo masuulka WADDANI oo kali ah, laakiinse aad u diyaarsan, garanaayana waxa uu sheegayo iyo sida uu u sheegayo. Run ahaantiina ah shakhsi marka ay dood iyo xog-waran noqoto aad isugu kalsoon oo weedhiisu cadahay. Su’aalaha ay waydiiyeen Masuulka labada saaxiib ee aqoonyahannadi ahi waxa ka mid ahaa:-

 

  • In shir qaran Axsaabtu qabtaan ma sharcibaa mise waa sharci daro?

Su’aashan oo dabada ku haysey masalo-sharciyeed waxa uu si fudud Masuulku ugu jawaabey, ‘’marba haddii ay iyagu (xukuumaddu) sharciga jabiyeen iyaga oo dalka masuuliyadiisu saaran tahay, maxaa noo diidaya in aan anaguna wax ka daran keeno’’. Jawaabta masuulka waxa si toosa uga muuqata in uu fahamsan yahay in Shirka Heer Qaran ee ay ku baaqeen Axsaabta siyaasaddu uu yahay mid aan sharci ahayn, laakiin ay tahay qalad qalad lagu saxayo. Halkaa waxa iiga cadaatey in ay jirto masaalax dani ah oo nin walba ku raadsanayo manfac siyaasi ah oo aan marnaba tudhaale u noqoneyn qaranimadda, nabadgelyada iyo wada-jirka ummadda walaalaha ah ee dhaqan iyo dhiig wadaagta ah ee nidaamka dawliga ah ku bahowdey. Saaxiibadey iyaga oo su’aalahoodii aqoonta xilkaska ku saleysan sii wata ayaa waxa ay haddana waydiiyeen masuulkii su’aashan:-

 

  • Ma laga yaabaa khilaafkiinani in uu sabab u noqdo in doorashadu dib uga sii dhacdo xiliga Guurtidu kordhisay ee bisha afraad ee sanadka 2017?

Su’aashan labaad masuulku waa uu is-dajiyey isaga oo taxadar badan muujinaya, isla markaana fahmay miisaanka ragga hor fadhiya aqoon ahaan iyo ogaal ahaan inta uu gaadhsiisan yahay. Waxa uu si fikir wehelinayo oo xasiloon uga jawaabey su’aashan waxana uu yidhi, “waa la odhan karaa oo arrintaa aad sheegteen dad badan oo sidiina aqoonyahanno ah ayaa qaba , laakiin dhan kale oo aaney dadka intiisa badani arrintan muddo korodhsiimadda Guurtida iska taagin ayaa jirta oo ah in sanadka 2017 doorosho kale oo ah tii Golayaasha Degaanku ay ku soo beegan tahay. Doorashadaasi waxa ay ku keeni kartaa doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Wakiiladda culays kale oo dheeri ah oo ka yimaada dhinacyada farsamada, dhaqaalaha ama siyaasadaba’’. Doodan masuulku oo jawaab u noqoneysa su’aashii uu aqoonyahanku waydiiyey waxa ay iila muuqatey mid aad u macquul ah oo u baahan in la daraasadeeyo si fiicana loo fahmo.

 

Sababta oo ah, waxa dhamaanaya muddo xileedkii Golayaasha Deegaanka, markaa iyagana ma dib ayaa loo dhigayaa? Oo haddii ay sidaa tahay doorasho walba ma dib ayey u dhici doontaa? Haddiise ay u dhacaan saw haddana muran iyo qaylo dambe noqon mayso oo is-haysashada siyaasiga ah ee doorashaddu noqon mayso mid marwalba taagnaata. Taas oo dalka ka hor istaagi karta horumarka iyo kalsoonida maalgashiga dhaqaale ee ay dalka iyo dadkuba u baahan yihiin? Jawaabaha su’aalahan saddexda ahi waxa ay ina fahamsiinayaan in muddo korodhsiimada Golayaasha Qaranka iyo dib u dhaca doorashooyinku ay dabada ku hayaan jiritaan la’aanta nidaam hay’adeed oo dawli ah (National Institution). Kaas oo ah in Somaliland siyaasiyiinteedu marnaba si dhab ah isku waydiin baahida loo qabo in la dhiso hay’ad dawli ah oo madaxbanaan oo goor walba ka shaqeysa doorashooyinka dalka. Halka shanti sano ba mar, oo ku beegan marka ay doorashooyinku soo dhawaadaan laga magacaabayo todoba qof oo noqda guddi doorashooyinka Heer Qaran. Intaa ka dib waxa haddana bilaabantay su’aashii saddexaad oo ku socota masuulka:-

 

  • Maxaa wanaag ah ee ka dhalan kara shirka ee Qaranka faa’iido ugu jira marka laga reebo rabitaankiina iyo masaalaxiina siyaasiga ah?

Su’aashan oo mid aad u miisaan culus ahayd siyaasigu candhuuf adag oo aad si toos ah u dareemayso in uu ku cadibmay liqi taankeeda kadib ayuu jawaabtan bixiyey. “aniga iyo hebel marwalba waxa aanu Xisbiga WADDANI dhexdiisa kaga doodnaa in aan mudaharaad marnaba la sameyn, waxaan marwalba ka soo horjeednaa in dawlad la’aan dalka la dhigo. Arrintaa boqol jeer ayaan ka dagaalaney waligeyna ogolaan maayo laakiin rag badan oo Xisbiga ku jiraa waa ay rabaan fawdadaa iyo dawlad la’aantaa nasiib wanaagse Guddoomiye Cirro marnaba aqbali maayo sida ilaa iyo hadda nooga muuqata, wallow dadku inta badan ay ku sheegaan shakhsi jilicsan haddana anigu taa marnaba ma qabo oo guddoomiyaha kama arag jileec ilaa heer kaas ah. Qoladda KULMIYE gaar ahaan labada Mujaahid (Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin) waa niman ragga oo laxe-jeclo waddanka ka qaba, Alleylehe aan ku daro Madaxweyne ku-xigeenka na. Laakiin mid ogaada anagu waxa aanu is haynaa waa Guddoomiye Saleebaan oo xiniin taabasho wada, haa isaga ayaanu is haynaa’’.

 

Jawaabta masuulku war badan ayaa aniga shakhsiyan iiga baxay, waxa marka hore ay doodiisu ku tusaysaa sida Xisbiga WADDANI u yahay Xisbi siyaasadeed dhexdiisa lagu doodo oo afkaar kala duwan la isku waydaarsado. Taas oo ah arrin aad u fiican oo looga baahan yahay Axsaabta siyaasiga ah in ay goor iyo ayaan guddahooda sidan oo kale aragtiyaha kala duwan la iskugu waydaarsado. Waxa kale oo uu muujiyey sida Xisbiga ay ugu jiraan dadyow tiro badan oo balaayo ka talis ah una muuqda in ay awood badan Xisbiga gudihiisa ku leeyihiin. Waxa kale oo ay jawaabtiisu iftiimineysaa in Guddoomiye Ciro yahay nin shakhsiyan aad u wanaagsan, laakiin aan gudoon adkayn oo u dabci kara cidda balaayo ka taliska ah ee inta badan keenta talooyinka dib u socodka ah. Waana ta ka muuqatey masuulka hadalkiisa iyo dareenka fal-celintiisa ee uu ku sifeeyey Guddoomiyihiisa. Intaa ka dib su’aashii afraad ayaa masuulka ku bilaabantey oo ahayd sida tan:-

 

  • Guurtidda mudda kordhinteedu ma sharci baa mise waa sharci darro, haddiisa ay kordhin waayeen halkee ayey ka marayaan qodobadda dastuuriga ah ee odhanaya Dalku in aanu daqiiqad Madaxweyne la’aan Karin, iyo Madaxweyne la doortey waxa kaliya beddali kara Madaxweyne la doortey?

 

Markii ay su’aashu afka aqoonyahanka ka soo dhamaatey ayaan isla markiiba si degdeg ah u eegay wajiga iyo dareenka ruuxiga ah ee uu qaatey masuulku. Nasiib wanaag masuulku, waxa uu si fiican u gartey in su’aashani aaney ahayn su’aal siyaasadeed ee ay tahay mid sharci, una baahan tafsiir sharci iyo hadba waxa dasturkeena sharciyan uu dhigayo ee u baahan in sidooda loo ixtiraamo. Waxa kale oo uu garwaaqsadey in Gollaha Wakiiladdu tiraba laba jeer oo hore loo kordhiyey. Haddana laba iyo labaatanka bilood ee muranku ka taagan yahay muddo korodhsiimaha kula jiraan Xukuumadda. Waxana uu ku jawaabey isaga oo aad u degan, ‘’dalku dawlad la’aan in uu inaga noqdo cid ay dani ugu jirtaa ma jirto, shacabka Somaliland ayaan cidna ka ogolaaneynin, ciidankeena nafta u hura jiritaankeena ayaan inaga aqbaleynin. Aniga iyo hebel marwalba arrintaa ayaan taaganahay oo aan leenahay waar xayndaabka siyaasadda yeynaan marnaba ka bixin, dadkuna yaaney inagu fahmin dhaawaca siyaasadeed ee aynu xukuumadda gaadhsiineyno, oo yaaney doodeenu dhaymo u noqon’’.

 

Masuulku halkan waxa uu ka muujiyey in arrinta Guurtiddu ay sharci tahay oo aan qodobada aqoonyahanku waydiiyey aaney marnaba Xisbiyan inkiri karin. Iyada oo ay sidaa tahay, haddana goor iyo ayaan Xisbiga WADDANI waxa uu meel walba la taagan yahay in mudda kordhinta Guurtiddu sameysay aaney sharci ahayn. Xaqiiqduse sidaa ma aha oo qodobo dastuuri ah oo waaweyn ayaa tilmaamaya in aan dawlad la’aan dalku ku dhici karin, isla markaana kurisga Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa doorasho kaliya lagu gaadhi karo. Tani waxa ay meesha si toos ah uga saareysaa in hadaladda saxaafadda Axsaabtu mariso aaney waxba ka jirin, markhaatiga koowaadna waxa ah masuulkan oo aragtida siyaasadeed ee Xisbiga WADDANI aan ka xog waraysaney. Intaa wixii ka dambeysa masuulka waxa raacday su’aal kale oo noqotey tii ugu dambeysay ee labada aqoon yahan waydiiyaan, waxaaney u dhacdey sida tan:-

 

  • Cida idiin iman doontaa sow ma aha kaliya cid ku Mucaarid ah Dawladda, haddii taasi ay jirto halkee ayaad kaga tagteen bulshada inteeda kale ee aan raalida ka ahayn shirka Heer Qaran ee aad ku baaqdeen?

 

Masuulka waa uu ku margadey su’aashan oo noqoneysay su’aal miisaankeeda leh, waxana uu ku guuldareystey in uu jawaab waafi ah oo cad ka bixiyo isaga oo adeegsanaya caqliga iyo cilmiga hadba midka uu doono. Wallow uu ahaa Masuulkaasi nin aad u balaaqi ah oo aan la celin karin marka ay dooda dhabta ah noqoto, haddana xaley danta ayaa u run sheegtay oo waxa uu hadal ku dhameeyey, ‘’inta na raacsan ayaa noo iman’’ jawaabtani ma aha mid dhameystiran oo kafaala qaadi karta su’aasha masuulka la waydiiyey marnaba isna qudhiisu taa waa og yahay. Aqoonyahanka su’aasha waydiiyey iyo intayada kale toona kuma aanaan qancin jawaabta diciifka ah ee masuulka. Sidaas oo ay tahay isla aqoonyahankii ayaa ku celiyey su’aal kale oo odhaneysa dadka miyaad ku kala qaybineysaan shirka si aad qaranimadda ugu burburisaan xaaji? Maya anigu taa ma ogoli ayuu si toos ah ugu jawaabey, waxase shaki leh haddii aanu isagu ogolayn in ay tani dhacdo oo dadka shir dawladdi ma jirto ah loo qabto. Dawladnimadana la baabi’iyo maxaa haddana masuulku ugu dhagan yahay in shirkani mihiim u yahay WADDANI? Taa jawaabteeda waxa iska leh dadweynaha ayaan jeclahay in ay fahmaana loona baahan yahay sababta dhabta ah ee ka dambeysa shirka Heer Qaran ee ay Axsaabtu iclaamiyeen.

 

Intaasi markii ay dhacdey, doodana aan si fiican u dhageystey wallow aanan si toos ah uga wada maqneyn hadalka ayaan bilaabay in aan masuulka waydiiyo laba su’aalood oo mid ka mid ah aan hore isku waydiin jiray, halka mida kalena aan ka dhex diyaarsadey dooda oo ahayd mid aad u degan. Su’aasha waxa aan ku bilaabay sida tan:-

 

  • Haddii aad tihiin Axsaabta Qaranka, odayaasha Madasha Wada-tashigu iyagu ma haystaan nidaam sharci oo ay doorashooyinka kaga qayb qaataan, idinku Axsaab ahaan halkeed ka keenteen awooda sharci ee aad shir Heer Qaran ah oo dawlad lagu dhisayo aad ku qabaneysaan?

Masuulku waxa uu su’aashan jawaab uga dhigay in uu hadba meel isku qaado ana waxa aan isku dayey in aan marwalba ku soo dabaalo jawaabta uu u hayo su’aashan sharci siyaasadeed ee balaadhan ee hortaala. Nasiib daro se, waxa uu si cadho leh ugu jawaabey sida tan, ‘’walaahi bilaahi talaahi si kasta oo ay noqoto anigu nimankan’’ marka uu hadalka intaa marinayey ayuu midka mid ah aqoonyahanadda dooda gadhwadeenka ka ahaa waydiiyey nimanka uu masuulku sheegayaa kuwa ay yihiin? Waxa uu ku jawaabay isaga oo hadalkii sii wata ‘’ kuwan dee KULMIYE haddii ay dalka ku soo laabtaan in aan ka tagayo oo aan ka dhoofayo oo aanan mardambe nimankaa halka kan ku wada noolaaneynin. Waan karhay ilma-adeerayaal walaahi waan karhay waanan ka soo taagnahay, nimankaa aniga sinaba la iima tusi karo’’

 

Waxaas oo weedh kulul oo quus siyaasadeed ah oo afka masuulka ka soo baxdey haddana waxa uu masuulku ku guul-dareystey in uu noo cadeeyo sababta ilaa heerkaa ku kaliftey in uu Xisbi siyaasadeed dastuuri ah oo kiisa la mid ah uu u naco, oo uu waliba gaadho ilaa heer dalka ba uga haajiro karo haddii uu soo laabto. Arrintaas anigu waxa aan u qaatey mid shakhsi ah waanan ku ixtiraamney dhamaantayo go’aankiisaa shakhsiga ah. Sababta oo ah qof waliba go’aan shakhsi oo xor ah ayuu qaadan karaa waxaanan u dayney rabitaankiisa iyo aragtidiisa siyaasiga ah si kastaba rajo beel ha uga muuqdee. Halkaa marka ay sheeko marayso waxa kacay mid ka mid ah aqoonyahankii su’aalaha waydiinayey oo aan u kala garan waayey in uu u arkay in ay doodii dhamaatey marba haddii dalka looga haajirayo KULMIYE iyo in uu si shakhsi ah u kacay. Waayo waxa uu gacantiisa midig uu kor ugu qaadey talifoonkiisii gacanta oo uu dhagta saarey dabadeedna uu goobta ka huleelay ilaa iyo intii aanu ka dhameysaneynay doodayaddii labadayada kale iyo masuulku.

 

Waxa aan mar kale isku dayey in aan waydiiyo su’aal labaad oo bal dareenkiisa caadifadeed hoos u dhigta isla markaana keenta in uu mar labaad ku soo noqdo xeradii dooda ee uu dareen xasuuseedka siyaasiga ahi ka saarey. Waxa aan waydiiyey su’aashan labaad oo ahayd tii dooda iiga soo dhex baxdey:-

 

  • Xisbi ahaan waxa aad qayb ka ahaydeen heshiiskii saddexda Xisbi Qaran iyo Xukuumaddu 20/05/2015 ka bilaabeen Guriga Madaxweyney ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu qodobkiisa 1aad ahaa in dhamaantiin ku heshiiseen in la ixtiraamo go’aankii golaha guurtida ee muddo korodhsiimaha Madaxtooyadda iyo Golaha Wakiiladda oo uu sharci yahay. Haddii aad sidaa saxeexdeen miyeydaan farsamo ahaan aqbalin muddo kordhinta, isla markaana qodobada kale oo dhani aaney noqoneyn talo soo jeedin in doorashadda lagu qabto sanadka 2016 bishiisa 12aad?

Masuulku arrintaasi ma dafiri karo oo waa qoraal saxeexan oo la hayo oo aan meela looga baxsan karin, sidaas oo ay tahay haddana waxa uu xooga saarey bal in uu ka bixiyo jawaab furan waxana uu yidhi, ‘’anaga WADDANI ahaan halka lanaga haystaa waa Guddoomiyahayaga oo isku dhajinaya Gollaha Wakiiladda oo aanu ka furfuri kari laanahay. Waad ogaydeenoo, afar nin ayaa ka tagey WADDANI, sababtuna waxa ay ahayd in aanan Xisbiyan ka jawaabi karin su’aalaha noocan oo kale ah ee dadka caqliga la saaxiibka ah nooga imanaya. Yeelkeeda waxa wali fursadda siyaasadda nasiinaya Xisbiga UCID oo arrintan nala taageersan iyo qolooyinka Madasha Wadatashiga oo meel siyaasadda ay ka soo galaan cidhiidhsanaya ee Xisbi ahaan nalama arkeen’’.

 

Jawaabtani waxa ay waafi ka dhigaysaa dareenka siyaasiga ah ee Axsaabta Qaranka ee ku jiqsiida ah. Masuulkan oo run ahaantii ahaa nin qalbi wanaagsan, niyadsan oo maskax furan waxa uu tilmaan fiican ka bixiyey rayi siyaasadeedka Axsaabta Qaranka oo aan ahayn kaliya WADDANI, laakiin dhamaan inta kalena ay la qabaan. Somaliland wax badan ayey ka soo gudubtay, gaar ahaan xaaladdo siyaasadeed, kuwa arrimo bulsho, kuwa dhaqan, iyo qaar dhaqaale intaba, waxana meel wanaagsan ay ku soo gaadhey taladeeda. Maantase, waxa ay u muuqataa oo aan indhaha laga qarsan karin in doorashooyinkeenna la maal-galiyo, isla markaana cadaw badan oo dibadda ahina jiro, taladana la inala leeyahay. Haddii xaal sidaa yahay waxa dadkeena looga baahan yahay foogjignaan dheeraad ah oo mihim u ah in la ilaaliyo jiritaankeena. Xaqiiqduse waxa ay tahay in masuuliyadda dalka oo dhammi saaran tahay dawladda hadba talada dalka loo igmaday.

 

Wax wal oo xumaada ama wanaagsanaada eedeeda iyo hambelyadeeda waxa leh dawladda. Khilaafkan sharciyeedna waxa si fudud u dhameyn kara dawladda oo iyada oo sharciga ilaalinaysa muujisa karti ay ku xalili karto dhibta ka dhalatey dib u dhaca doorashadda, oo ay qaybteeda leedahay. Inta aaney taasi dhicinse waxa aynu ognahay in ay ka soo hor martey go’aankii Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ahayd oo si toos ah u xaaraantinimaysey dooda Axsaabta Qaranka ee ah in wadatashi qaran dawlad kale lagu dhiso. Wallow ay aad layaab u leedahay oo wax ugub ah ay adduunyadda ku tahay in go’aan Maxkamadeed ka farxiyo laba dhinac oo muran siyaasi ahi dul hoganayey.

 

Waxa labada dhinacba iiga muuqdey in ay aad ugu faraxsanaayeen go’aanka Maxmadda Sare ee Dastuuriga ah. Sabata oo ah mid walbaaba dhankiisa ayuu sida uu jecel yahay  u fasirtay sharciga. Waxa kale oo aan wali dhamaan muranka siyaasiga ah ee doorashadda iyo in lagu heshiiyo sharciga dastuuriga ah ee Guurtida. Haddii kale xaal waxa uu noqon doonaa sidii ninkii nacaska ahaa ee lumay ee la soo helay, markii ehelku ay ku farxeen helistiisana ku tiraabay; maxaydun ku qosli ee aydin ku farxi bariba waan lumiye. Waxase dhanka kale mudan in la tix-galiyo qodobka 3aad ee go’aanka Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah oo faraya in dhakhso loo dhameeyo muranka siyaasiga ah, haddii loo dhameyn waayana u muuqda in Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ahi u dhameyn doonto sifo sharchiga waafaqsan. Wa Bilaahi Tawfiiq.  

 

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.

 

Comments are closed