|

Sarah Obama oo Ayeeyo u ah Barack Obama oo Nairobi u timid si ay ula kulanto (Daawo Sawirrada

Nairobi,24july,2015(QJ/SDN)-Sarah Obama oo ayeeyo u ah Madaxweynaha Wadanka Mareykanka Barack H. Obama, isla markaana dhashay Aabbihii ayaa Maanta Nairobi la keenay si ay ula kulanto wiilka ay ayeeda u tahay oo lagu wado inuu soo gaaro Nairobi Sacadaha soo socda.

 Sarah_Obama_Nairobi_Obama

Madaxweyne Obama ayaa u imanaya Kenya sidii uu uga qaybgeli lahaa kulan looga hadli doono ganacsiga, isagoo sidoo kalena saddex casho ee uu joogo la kulmi doono xubno ka tirsan qoyska aabbihii oo weli ku nool dalka Kenya.

Booqashada Obama uu ku imanayo Kenya ayaa noqonaysa tii ugu horreeyay oo uu ku yimaado dalka Kenya isagoo madaxweyne ah, balse wuxuu horay u yimid dalka Kenya sannadihii siteemayeedadii isagoo wiil yar ah, markaasoo uu in muddo ah la joogay qoyska aabbihii.

Sidoo kale, diyaar-garow xoog leh ayaa ka socda xarunta Kenya ee Nairobi kaasoo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Mareykanka, iyadoo la joojiyay diyaaradihii Somalia ka tegi jiray ee iman jiray Nairobi, sidoo kalena waxaa la adkeeyay amniga guud ee Nairobi, iyadoo la xidhi doono garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta marka uu soo dagayo Obama.

  Diyaaradaha qaadka keena Somalia ee ka yimaada Nairobi ayaa si caadi ah uga soo dagay maanta garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, mana ahan markii ugu horreysay oo Kenya ay fasaxdo diyaaradaha Qaadka kuwa rakaabkana ay xayiraad kusoo rogto.

Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa waxaa la socda xaaskiisa iyo labada gabdhood oo uu dhalay, kuwaasoo iyagana la kulmi doona qoyska uu kasoo jeedo awoowahood Hussein Obama, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo ay la kulmaan qoyska aabbahood.

 Ugu dambeyn, Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa shir jaraa’id oo uu maalin ka hor ku qabtay magaalada Nairobi wuxuu ku sheegay in Obama ay kala hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin horumarinta dhaqaalaha Kenya iyo sidoo kale sugidda amniga.

 Si kasta ha ahaatee, madaxweynaha Mareykanka oo xalay saaka kasoo duulay kasoo dalka Jarmalka oo uu xalay soo maray, iyadoo lagu wado inuu Nairobi soo gaadho gellinka dambe ee maanta.

 

 

 

 

 

Comments are closed