Suuqii Waji-ku-macaashka Oo Markale Xaami Noqday, Waayeel iyo Dhallinyaro u Tartamaya Dhadhamooyinka Dhinacyada Is-hayaa Bixinayaan Oo Soo Badanaya
Hargeysa:Jully,24,2015(SDN/QJ)-Somaliland waxa sanadihii ugu dambeeyey kusoo badanaya caadooyin aan hore loo arki jirin, kuwaas oo salka ku haya macaash iyo dhadhamo laga dhex raadinayo khilaafyada siyaasadeed ee dalku soo marayey, iyadoo ay soo badanayaan dad iyagu dhaqaale ka raadiya taageero been ah oo hadba dhinac umuujinayaan.
Dhaqanka noocaas ah oo markii hore ku ekaa oo kali ah waayeelka talo-qabeenka ah ee Beelaha taladooda gacanta ku haya, ayaa wakhtiyadii dambe usoo dhaadhacay dhinaca dhallinyarada oo aqoon iyo garaadkooda oo kobcay la bidayey, balse haatan ku milmay dhaqanka dhadhamo raadiska ah ee waayeelku dhawaanahan bilaabeen.
Markasta oo khilaaf curtababa dad warabaahinta ka cambaareeya hadba cida ay is hayaan cidda dhadhamada siisa, ayaa hanqalka lasoo kaca, iyagoo dhaqankaasina ku baahay Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland oo dha.
Maalmahan oo somaliland gudaheeda uu ka jiro khilaaf siyaasadeed oo cakirani, ayaa kooxaha waji-ku-macaashka dhaqaalaha ka raadiyaa shaashadaha usoo tartameen, waxana dhegaha dadka shacabka ah si aan kala go’ lahayn ugu soo dhacaya hadallo kooxaasi ku weerarayaan garabka ay siyaasadda isku hayaan cidda dhaqaalaha ay kasoo qaateen, iyagoo hadallo deelqaaf ah ku tiraabaya.
Dhibaatada ugu weyn ee kooxahani dalka ka abuureen ayaa ah inay noqdeen rasaas lagula dagaallamo cid kasta oo laga dhex arko inay wadaan siyaasad ama fikirro ka dhan ka dhan kuwa dariiqyadaas adeegsada, waxana lagu burburiyaa Kumanaan dollar oo dadkii xaqa u lahaa ka baahan yihiin.
Kooxahaas cidda adeegsata ee dhaqaalaha ku bixisaa kaliya ma ah xukuumadda talada haysa, balse mucaaridka laftooda ayaa dhaqankaas hore ka bilaabay, waxana ay dhaqaale ku bixiyaan sidii ay kooxahaasi afafkooda iyo afkaartooda ugu hadli lahaayeen.
Xalay ilaa iyo shalay hutelada waaaweyn ee Magaalooyinka dalka waxa lagu arkayey Kooxahaas oo si weyn u abaabulan, isla-markaana difaacaya cidda ay dhaqaalaha kusoo bixisay, iyadoo dhallinayaro badanina arrintaas kasoo dhex baxday.
Kooxahaasi inta badan ma aha qaar wax xilal ah haya, waxana ay iska sheegtaan magacyo iyo deegaano aanay afkooda ku hadli Karin, iyagoo si afduub ah magacooda ugu hadla bulsho milgo iyo maamuus leh oo aan raalli ka ahayn inay ku dhex milmaan indho-sarcaadka siyaasiyiintu isku eryanayaan.
Ma muuqdaan tallaabooyinka dhaqanka noocaas ah lagu soo afjari karo, waxase taas beddelkeeda socda tallaabooyin lagu dhiirrigelinayo,iyadoo ay jiraan dad badan oo uheellan inay dhaqankaas kusoo biiraan oo dhadhamooyinkaas masaakiintii xaqa u lahayd ka bakhdiyayaaan jeebabka ku shubtaan.
SDN/QJ