Kenya oo Safiir cusub u soo magacawday dalka Somaliya (Daawo Sawirada)
Muqdisho,24july,2015(QJ/SDN)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta kaga gudoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah Warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb. Maj. Gen. (Rtd.) Lucas Kyonze Tumbo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga iyo Safiirka cusub oo shir jaraa’id wada qabtay ayaa waxa ay xuseen horumarka uu gaadhay xidhiidhka taariikhiga ah iyo midka derisnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Xidhiidhka diblomaasi ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, ayaa waxay taariikhda ku cad inuu ku bilowday 11-kii bishii December ee sanadkii 1963-kii.
Soomaaliya ayaa waxaa kala dhaxeeya Kenya xidhiidh dhinacyo badan leh oo ku qotama iskaashi wadaag ah. Kenya waxay kaloo ka mid tahay Wadamada Midowga Afrika ee ciidamadu ka jooggaan dalka.