Kala Qaybsanaan iyo Kala Shaki soo Kala Dhex galay Mucaaridkii Shirka Qaran ku baaqay Iyo Mugdiga Jira Halkuu ku Sal leeyahay.
Hargaysa 24.July 2015 (SDN/QJ)- Labada Xisbi Mucaarid ee Ucid iyo Waddani iyo Matasha Wada tashiga oo Marxaladan dalku ku jiro ku Midoobay Isbahaysiga Mucaaridka ayaa waxaa gudahooda ka dhex curtay kala qaybsanaan ku Wajahan qabashada Shirkii qaran ee ay ku baaqeen inay ku maaraynayaan Khilaafka dalka ka aloosan.
Ku Simaha Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ahna Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” ayaa Qoraal Rajo la’aan ah ku sifeeyay qaabka loo wado qabanqaabada Shirweynaha ay ku dhawaaqeen isagoo xusay in la moodo in talada meel gaar ah laga hagayo,Sidoo kale Waxa uu sheegay inaan la isku raacsanayn Magaca uu shirku qaadan doono.
Qoraalka Gudoomiye Cali Guray oo uu ku faafiyay barta uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka dadweynaha ayaa u dhignayd Sidan “Waxad moodaa in madmadow badan oo ku saabsan shirka mucaaridka ee xisbiyada mucaaridku qabanqaabadiisa leeyihiin uu jiro oo xataa mucaaridka dhexdiisa aan si loo wada fahmsanayn oo ay jiraan shakhsiyaad u dhigaya inu yahay Sharwayne Qaran oo loo wada dhan yahay halka kuwo kalena ay u arkaan shir wada tashi oo mucaaridku ka yeelanayaan marxaladdan adag isla markaana xasaasiga ah ee dalku marayo.
Waxa muuqata in aan Shirka ajandihiisa, ujeedoyinka laga leeyahay iyo kuwa laga kala leeyahayba, iyo weliba natiijooyinka laga fili karayo inay shirka ka soo baxaan aan midna la isla meel dhigin ama aan la qeexin.
Waxa kale oo iswaydiin leh cida gacanta ku haysa maaraynta hawlaha shirka oo ay durbo muuqato in aan loo sinayn taladuna aad moodo in meel gaar ah laga hagayo.
Sida daraadeed kama fursan karto inta aan hore loogu sii socon in si mug leh la isula qaadaa dhigo shirkan arimihiisa oo dhan si looga hortago inu muran ka dhex dhalin karo mucaaridka iyo xisbiyada gudahooda.
Hargaysa SDN/QJ