|

“Xisbiyada mucaaridku ma sheegan karaan qaran, arinkaasi waa arrin yara khaldan” Murashax Jamaal Cali Xuseen

Hargaysa 24.July 2015 (SDN/QJ)- Xisbiga Mucaaridka UCID ayaa ku adkaysanaya in la qabto shirka talo qaran ee ay shalay Maxkamadda sare ee Somaliland go’aamada ka soo saartay .

Jamaal-CALI-XuseenMusharaxa Madaxwaynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in la qabanayo shirkaasi isagoo ku dooday in axsaabta mucaaridku yihiin xisbiyo qaran lagana horjoogsan Karin in ay qabtaan shir qaran.

Xisbiyada mucaaridku waa xisbiyo qaran in lakala sheegtana maaha, anagu waanu shiraynay shirkiina waa naloo fasaxay, Xisbiyo ayaanu nahay oo qarankaanu nahay, markaa in la yidhaahdo xisbiyada mucaaridku ma sheegan karaan qaran, arinkaasi waa arrin yara khaldan, annagu shirkayagii waanu qabanaynaa, ta ugu muhiimsana waxaa weeyi in huteeladayadii iyo xuquuqdayadii la duudsiyay noo soo noqoto taasaa noo guula” ayuu Yidhi Jamaal Cali Xuseen oo Idaacadda BBC-da la hadlay.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed