Jaaliyada Somaliland ee BRISTOL UK waxay tacsi udirayaan marxuum Sheekh Cabdilaahi Diiriye Sooraan. oo ku Geeriyooday Hargeysa
Inaa Lilaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun Waxay Dhamaan Jaaliyadad Somaliland ee magaalada Bristol uk ay tacsi u
Dirayaan Dhamaan Qoyskii , Ehelkii. Qarabaadii , Asxaabtii , iyo
Guud ahaanba Shacabka Somaliland oodhan Geeri ku timi marxuum Sheekh Cabdilaahi Diiriye Sooraan oo ku Geeriyoodaya Saaka magaalada HARGEYSA , marxuumku
waxa uu kamid ahaa Ragii udub dhaxaadka u ahaa
Hanadqaadkii fanka somaliyeed. kadibna waxa uu marxuumku iska baxay fankii isaga oo u jeestay xaga ilaahay isagoo mudooyinkii udambeeyey noloshiisa uu ahaa qof cibaado badan iyo quraan xaafid,
.isaga oo ahaa mu,adin masaajid ku yaala magaalada
hargeysa, waxaan ilaahay uga baryeynaa in alleh Naxariistii janno fardowas kawaraabiyo Samir iyo iimana uu kasiiy qoyskii uu ka baxay iyo Guud ahaanba shacabka Somaliyeed oodhan,